FAJAC: Sababtii Qariibka Ahayd Ee Ay Barcelona Ku Diiday Saxeexa Karim Benzema 11 Sano Kahor Oo La Ogaaday & Xog Uu Shaqsigii Ay Dirsatay Soo Gudbiyay Oo Fajac Kugu Ridaysa.

Kooxda Barcelona ayaa suuqii xagaaga ee sanadkii 2008 doonaysay saxeexa weeraryahan cusub wakhtigii uu Pep Guardiola kooxda qabsaday iyaga oo aan rabin inay wax badan kusii xisaabtamaan Samuel Eto’o.

Weeraryahanka haatan ee Real Madrid ee Karim Benzema ayaa wakhtigaas ahaa bar-tilmaameedkooda ugu fiican maadaama oo uu Benzema qaab ciyaareed yaab leh kusoo bandhigay Olympique Lyonnais xilli ciyaareedyadii ka horreeyay 2008.

Txiki Begisristain oo wakhtigaas ahaa xoghayaha farsamada ee Barca ayaa ahaa shaqsiga hawl-galka Benzema lagu doonayo  waxaana uu ciyaartoyga ku booqday gurigiisa Lyon si uu ugu qanciyo inuu kooxdooda u saxeexo xilli madaxda Barca ay filayeen inay la saxeexdeen.

Haddaba, Halka ay sartu ka qudhuntay ayaa ah in Begisristain oo soo gudbiyay xog fajac iyo amakaag leh oo ku saabsan Benzema kaddib kulankooda taas oo sababtay in Blaugrana ay iskaga hadho Karim oo haatan halyeey ka ah caasimada Spain.

Begisristain ayaan ku faraxsanayn waxkasta oo uu arkay, Ugu horreynba ma uusan jeclaysan saaxiibtinimada iyo fur-furnaanta Benzema iyo waliba sida uu iskugu dayay inuu wadahadalkooda u xidhiidhiyo isagoo intaa ku daray in Benzema uusan xataa isaga kor usoo eegin intay wada hadlayeen.

Mid kamid ah sababahaas amaba ka badan ayay Barcelona u go’aansatay inaysan la saxeexan ciyaartoyga maadaama oo ay fisheen inuu dhibaato ku dhalin karo isla markaana uusan laqabsigiisu u sahlanaan doonin.

Zlatan Ibrahimovic ayaa sanadkii 2009 yimid Camp Nou kaddib heshiis is weydaarsi oo uu Eto’o ku aaday dhinaca Inter Milan halka sanad kaddib uu David Villa kusoo biiray si uu u bedelo isla Ibrahimovic.

Ugu dambayn, Real Madrid ayay ahayd kooxdii ku khamaartay saxeexa Benzema isla markaana calool adayga kula soo saxeexatay walow uu markii dambe lama taabtaan ka noqday shaxda kooxda.