Fadlan Naga Saar – Taageereyaasha Liverpool Oo Baraha Bulshada Ku Karbaashay Mohamed Salah, Firmino Iyo Chamberlain

Advertisements

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Liveprool ayaa xalay barbaraha bulshada ku karbaashay laacib uu tababare Jurgen Klopp kusoo bilaabay ciyaartii ay Wolves kaga adkaadeen 2-1 oo ay saluugeen bandhiggiisa.

Advertisements

Oxlade-Chamberlain ayuu Klopp usoo xushay in khadka dhexe uu ka garab shaqeeyo Henderson iyo Wijnaldum iyadoo uu kaydka dhigay Fabinho oo dhaawac kasoo laabtay, hase yeeshee 26 jirka reer England waxa uu dhibbane u noqday canaanta taageereyaasha oo u arkayey in ciyaartiisu aad u liidatay intii uu garoonka ku jiray.

Xogtii laga ururiyey intii uu ku jiray ciyaarta, Chamberlain waxa uu dhamaystiray 82.1% kubbadihii uu dhiibay, waxaana uu ku guuleystay hal kubbad oo uu madaxa la helay, 37 jeer oo uu kubadda taabtay, hal taakal oo uu ku qabtay ciyaartoyga Wolves iyo laba jeer oo uu kubadda dhexda ka gooyey.

Inkasta oo uu xogtan wanaagsan helay, haddana Chamberlain waxa si xun loogu karbaashay baraha bulshada, waxaanay taageereyaashu isku waafaqeen in aanu u qalmaynin inuu kusii jiro garoonka dhamaan ciyaarta, iyagoo usoo jeediyey tababare Jurgen Klopp inuu ka baddelo qaybtii dambe, laakiin haddana kalidii ma ahayn ee waxa taageereyaashu ay canaanteen Mohamed Salah iyo Roberto Firmino oo ay codsadeen in la beddelo ka hor intii aanu xiddiga reer Brazil daqiiqadihii u dambeeyey u dhalinin goolka guusha.

“Ox wuu liitay maanta” Sidaa waxa soo qoray taageere Liverpool ah oo barta Twitterka ku istcimaala magaca ah ergene, laakiin waxa xoogaa ka aragti duwanaa L21_JFT96 oo kaliya aan dhalleecayntiisa ku koobin Ox ee raaciyey Mohamed Salah oo fursado badan khasaariyey iyo, waxaanu qoraalka ku yidhi: “Ox, Salah iyo Bobby dhamaantood waa in la saaro maanta.”

Nish iyo Rhys Johnson ayaa laba aragtiyood oo isku dhow waxay si gaar ah ugu canaanteen Chamberlain, waxaanay yidhaahdeen: “Waan ka xumahay, laakiin Ox meel ayuu taagan yahay caawa oo dhan.” “Nasiib-darro Ox ciyaarta kuma jiro Ox, kubaddana dib ayuu u celinayaa.”

GDon ayaa waxa isaguna uu soo qoray: “Naga saar Ox, waxaanu u baahanahay inuu yimaaddo Fabinho.”

Halkan ka akhriso qaar ka mid ah farriimihii qabsaday Twitterka:

 

Advertisements

1 Comment

Comments are closed.