Fadlan Mushaarkiina Dhima- Maamulka Barcelona Oo Ciyaartoyda Kooxdooda Ka Dalbaday In Mushaar Dhimis Ay Sameeyaan.

Mushaarkii qaaliga ahaa ee ay kooxda Barcelona bil kastaba siin jirtay ciyaartoyda kooxdeeda ayaa dhibaato wayn noqday kadib markii ay joogsadeen kulamadii kubbada cagta ee ay kooxdu dhaqaalaha badan ka heli jirtay.

Masuuliyiinta kooxda Barcelona ayaa kulan degdeg ah la yeeshay ciyaartoyda heerka koowaad ee naadigaas, waxaanay kala hadashay xaaladda adag ee dhaqaale ee kooxdu gashay kaddib markii albaabada loo xidhay garoonka Camp Nou, ganacsiyadii kooxda sida dukaamadii lagu iibinayey dharka naadiga iyo ilihii dakhli ee kale.

Kulankan oo uu guddoominayey Madaxweyne Josep Maria Bartomeu, ayaa ciyaartoyda lagu wargeliyey in dhaawac dhaqaale uu xanuunka Coronavirus u geystay Barcelona, waxaanu ka dalbaday inay kab dhaqaale u geystaan oo ay ogolaadaan in la yareeyo lacagtii ay mushaharka u qaadan jireen.

Sababta ay maamulka Barcelona ciyaartoyda kooxdooda uga dalbanayaan in mushaar dhimis ay sameeyaan ayaa ah in ana awoodi karaynin inay sidiisa u bixiyaan lacagihii uu ku waajibiyey heshiiska ay la galeen ciyaartoydan maadaama oo saamaynta coronavirus uu dhaqaalihii kooxda u soo bixi jiray joogsaday.

Ciyaartoyda oo u dhamaa shirka, ayaa la sheegay inay madaxdooda la qaateen xaaladda jirta, waxaanay ogolaadeen in la dhimo mushaharkooda inkasta oo aan la ogeyn boqolkiiba inta laga dhimi doono ciyaartoy kasta.

Miisaaniyadda Barcelona ee sannadkan oo lagu ansixiyey shirweynihii bishii September ayaa waxay ahayd 1.05 bilyan Euro, taas oo ka imanaysay dhawr ilo-dakhli oo kala ahaa xayaysiiska kooxdu samayso, ganacsiga dukaamada ee dharka iyo alaabooyinka naadigu xayaysiiyo, booqashada madxafka kooxda iyo dakhligii garoonka kubadda cagta ee Camp Nou oo kulan walba ku dhowaad 100,00 qof ay kasoo xaadiri jireen.

Dhamaan ilahan dakhli ayaa istaagay, waxaana midka kaliya ee la tuhunsanaa inay wax ka soconayaan uu ahaa xayaysiiska kooxdu samayso, laakiin taasna waxay taagnaan doontaa muddada naadigu uu fasaxa yahay, maadaama aanay jiraynin ciyaartoy dheelaya oo magaca shirkadahaas fagaareyaasha keenaya.

Miisaaniyaddan 61 boqolkiiba, waxay ku baxaysaa mushaharka iyo gunnooyinka ciyaartoyda, waxaana wehelinaya 150 milyan oo kale oo kharashaad ah.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona waxay ku qancisay ciyaartoygeeda inay dhimaan mushaharooyinka, waxaana maalmaha soo socda la filayaa in la ogaado lacagta rasmiga ah ee ciyaartoy kasta uu dhimi doono.