Fadlan Ii Keena!! – Tababaraha Cusub Ee Barcelona Ee Quique Setien Oo Maamulka Kooxdiisa Si Cad Ugu Sheegay Weeraryahanka Uu Doonayo.

Advertisements

Tababaraha cusub ee kooxda Barcelona ee Quique Setien ayaa lagu soo warramayaa inuu madaxda sarre ee kooxdiisa si cad ugu sheegay weeraryahanka uu doonayo in kooxda loo keeno kaddib qaliinka uu mudada dheer ku maqnaanayo ee uu maray Luis Suarez.

Advertisements

Sida lagu sheegay wargeyska Superdeporte ee kasoo baxa Valencia, Weeraryahanka uu doonayo tababare Setien ayaa ah Rodrigo Moreno oo booska weerarka uga ciyaara kooxda Valencia.

“Imaatinka Setien ee ka tababaraha cusub ee Barcelona ahaan  ayaa bedelay qorshayaashii kooxda ee suuqa January” Ayay ku bilaabantay warbixin lagu qoray Superdeporte.

“Inkastoo Barcelona ay ka shaqaynaysay dookhyo kale oo ay ku bedelaan Luis Suarez oo dhaawacan, Tababaraha cusubi waxa uu miiska saaray magaca Rodrigo Moreno, Weeraryahanka Valencia oo imika kamid ah bar-tilmaameedyada ugu sarreeya ee Barcelona”.

“Valencia kaddib marka ay gaadhay wareega 16-ka ee Champions League waxa ay qaadatay go’aanka ah inaysan iibinin ciyaartoy muhiim ah bishan”.

Moreno ayaan ahayn xiddiga kaliya ee booska weeraryahanka ka ciyaara ee lala xidhiidhinayo Blaugrana balse waxa sidoo kale magacyada la hadal hayo kamid ah Timo Werner oo RB Leipzig ka tirsan, Kabtanka Arsenal ee Aubameyan iyo Pedro Rodriguez oo hore Camp Nou uga soo ciyaaray balse haatan Chelsea ku sugan.

Advertisements