Fadlan Ha Ii Keenina!! – Tababare Frank Lampard Oo Madaxda Suuqa Ee Chelsea U Sheegay Inay Kansalaan Heshiiska Xiddig Ay Aad U Doonayeen.

Advertisements

Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa lagu soo warramayaa inuu madaxda sarre ee kooxdiisa gaar ahaan kuwa suuqa u sheegay inay iska joojiyaan xiisihii ay u muujinayeen garabka Crystal Palace ee Wilfred Zaha.

Chelsea ayaa loo arkayay mid kamida kooxaha doonaya saxeexa 27 sano jirkan oo sidoo kale lala xidhiidhinayo kooxda ay London ku xifaaltamaan ee Tottenham iyo waliba kooxda ay wareega 16-ka ee Champions League ku balansan yihiin ee Bayern Munich.

Image result for Zaha Chelsea

Il wareedka 90min ayaa sheegaya in Lampard uusan Zaha u arkayn mid ku haboon kooxdiisa sidaas darteedna uu shaqsiyaadka sarre kula taliyay inaysan lasoo saxeexanin.

Xubno kamida boodhka Blues ayaa la fahamsan yahay inay wali xiiso u qabaan xiddigan ree Ivory Coast oo ay u arkaan mid anfici kara laakiin lacagta 80-ka Milyan ah ee ay kooxdiisa Crystal Palace ku dalbanayso ayaa ah mid caqabad ku noqonaysa.

Wararka xanta ah ee la xidhiidha mustaqbalka Zaha ayaa soo xoogaystay maalmihii ugu dambeeyay kaddib markii uu wakiil ka dhigtay Pini Zahavi waxaana intaas dheer inay ka go’antahay inuu ka dhaqaajiyo Selhurst Park.

Advertisements

Si kastaba ha ahaatee, Palace ayaan doonayn inay xiddigeeda ugu muhiimsan ku iibiso wax ka hooseeya lacagta ay dalbanayso ee 80-ka Milyan ah iyadoo ay caawinayso xaqiiqada ah in saddex sano ay ka hadheen qandaraaskiisa kooxda.

Advertisements