FADEEXAD: Xog Ceeb Weyn Ku Ah Daafaca Liverpool Ee Virgil Van Dijk Oo Banaanka La Keenay & Arrintan Oo Layaab Ku Noqonaysa Jamaahiirta Kubadda Cagta

Daafaca dhexe ee kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk oo shaqsiyaad badani u arkaan inuu yahay xiddiga ugu wacan dunida booskiisa ayay soo baxday xog daafacasho oo kaliya Liverpool dhexdeeda ah oo uu ceeb ku mudanayo.

Xogtan ayaa ah mid uu wargeyska Daily Star Sport kusoo bandhigay xiddigaha taakalada (Taakada) ugu badan sameeyay Liverpool dhexdeeda ayaa ah mid uu kaalin lama filaan ah ku galay Virgil.

Warar soo baxaya ayaa  sheegaya in maamulka horyaalka Premier League ay kansali karaan in ciyaaryahanadu ay wax taakalo ah sameeyaan inta tababarka la samaynayo balse qoddobkaas ayaan wax dhibaato ah ku noqon doonin Van Dijk maadaama oo uu adeegsiga taakalada ku yar yahay.

Mid kamida layaabyada xogtan uu Daily Star Sports ururiyay ayaa ah in Van Dijk oo loo arko mid kamida daafacyada ugu adag dunidu uusan meel wacan kaga jirin liiska taakal samaynta ee kaliya Liverpool dhexdeeda.

xogta ayaa muujinaysa in kabtanka xulka qaranka Netherlands uu kaliya 22 taakal soo sameeyay waana tiro aad uga hooseysa xiddigaha daafaca kala ciyaara ee Trent Alexander Arnold oo 47 taakal soo sameeyay iyo Andy Robertson oo isagu 45 soo diiwaan gashaday.

Tirada uu VVD haysto ee ah 22 taakal ayaa ah mid booska siddeedaad uu ka galay xiddigaha ugu taakalada badan Reds xilli ciyaareedkan kulamada Premier League iyadoo uu liiska halka ugu sarreysa kaga jiro kabtan Jordan Henderson.

Arrinta yaabka leh ayaa ah inay Virgil ka taakalo badan yihiin xiddigaha weerarka kooxdiisa ee Sadio Mane iyo Roberto Firmino.

Xiddiga ugu taakalada badan dhammaan Premier League ayaa ah daafaca midig ee kooxda Leicester City ee Ricardo Pereira oo 119 taakal soo sameeyay isaga oo ka horreeya Aaron Wan-Bissaka oo Man United ka tirsan isla markaana 99 taakal soo diiwaan gashaday.

Van Dijk is eighth in the Liverpool tackling charts

 

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook

3 Comments

  1. Taakalada in ciyaar toyda kaasoo horjeeda lagusameeyo waamid akhlaaqda ka fog vvd waa ciyaar yahan kalsooni badan waxaan kuu cadaynsa xilli ciyaareedka oodhan inuu hal jaale qaatay keep goin vvd

Comments are closed.