FADEEXAD: Sheeko Aan La Rumaysan Karin Oo Fadeexad Ah Oo Dul Hogaynaysa Amiir Saudi Arabia Ah Oo Ciyaartoy Faro Xumeeyay.

Sheekadan qeybteeda ugu muhiimsan waxay ka dhacday hoteel weyn oo ku yaalla magaalada Cannes ee dalka Faransiiska, sanadku markii uu ahaa 1976-kii.

Wuxuu ahaa habeen xagaa ah oo kulul, nin taajir ah iyo nin faqiir ah ayaana isla saarnaa wiishka dabaqyada dhaadheer lagu fuulo, loogana dago.

Ninka maalqabeenka ah wuxuu ahaa Amiir Cabdalla Bin Nassir. Wuxuu ahaa wiilka uu awowga u ahaa ninkii aasaasay Sacuudi Carabiya.

Wuxuu ahaa wiilka uu dhalay barasaabkii hore ee magaalada Riyaad, taajirnimadiisuna ma ahayn mid la qiyaasi karo.

Ninka faqiirka ah markii amiirka la barbar dhigo waa Eamonn O’Keefe, oo ah ciyaartoy kasoo jeeda magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.

Aabihiis wuxuu ka shaqeynayay shirkad yar, wuxuuna guri ku lahaa magaalada Oldham. Markii ay arrintu dhaceysay, labada nin waxay kasoo baxeen goob khamaarka lagu ciyaaro khamrigana lagu cabo.

Cabdalla wuu ku guul darreystay khamaarkii, mar walbana sidaas ayuu ugu guul darreysan jiray, laakiin wax wal wal ah kuma heynin.

Haddii aad tahay amiir ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudiga, kumannaan doolar waxay kaaga baxeysaa casho oo kaliya. Eamonn khamaarka ma ciyaari jirin, laakiin habeenkaas wuu ku guuleystay.

Wuxuu safar damaashaad ah kula jiray amiirka ka tirsan boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaasoo uu lasoo raacay diyaarad qaali ah, waxayna isla deganaayeen hoteel casri ah oo ku yaalla magaalada Cannes.

Markii ay soo galeen albaabkii hoteelka, waxay soo aadeen dhinicii wiishka, si ay dabaqa ugu fuulaan. Wiishka gudihiisa markii ay galeen Cabdalla wuxuu ku jeestay Eamonn.

“Waxaan rabay inaan arrin kuu sheego”, ayuu yidhi Cabdalla. Gacantiisa ayuu garabka ka saaray Eamonn. “Waxaan ogaaday inaan ku jeclahay”, ayuu sii raaciyay.

Eamonn markaas wuxuu dareemayay neefta amiirka, waxaana u soo urayay sigaarka iyo khamriga uu cabay.

“Ma waxaad ula jeeddaa jacayl walaaltinnimo ah?, ayuu yidhi Eamonn.

“Maya walaaltinnimo ma aha”, ayuu lasoo booday Cabdalla.

Halkaas ayeyna ahayd meeshii uu ka billowday dhibka.

Riix  2,3 si aad sheekadan layaabka leh u dhamaysato