FADEEXAD: Sawirka Cristaino Ronaldo Oo Uu Ka Soo Garab Muuqday Giorgio Chiellini Oo Gabi Ahaanba Qaawan-Siday Wax U Dhaceen?

Cristiano Ronaldo ayaa door muhiim ah ka soo ciyaaray guushii ugu danbaysay ee ay kooxdiisa Juventus ka gaadhay AC Milan laakiin sawirka Cristiano Ronaldo ee kadib kulankii AC Milan ayaa baraha bulshada qabsaday kadib markii si lama filaan ah oo layaableh loo arkay Giorgio Chiellini oo gabi ahaanba qaawan oo ka soo ag muuqday sawirka Ronaldo.

Xidiga kooxda AC Milan ee Raoul Bellanova ayaa kulankii Juventus uga faa’iidaystay in uu sawir la galo xidiga uu dhiirogalinta ka dhigto ee Cristiano Ronaldo waxayna Giorgio Chiellini iyo Ronaldo sawirkan galeen iyada oo Ronaldo uu feedho qaawan yahay balse uu surwaal gaaban xidhan yahay.

Xidiga kooxda AC Milan ee Raoul Bellanova  ayaa baraha bulshada soo dhigay sawirka uu ugu faraxsanaa in uu Cristiano Ronaldo kula galay kadib kulankii labada kooxood, balse sawirkan ayaa noqday mid si waali ah aduunka ugu baahay kadib markii la arkay Giorgio Chiellini oo sawirka ka danbeeya oo socda isaga oo gabi ahaanba aan hal shaw dusha ka saarnayn.

Jamaahiirta kubbada cagta ayaa fikrado badan ka bixiyay sababta sawirka Cristiano Ronaldo iyo Raoul Bellanova uu Giorgio Chiellini uga soo daba muuqday isaga oo aan hal shay xidhnayn waxayna is waydiiyeen haddii qolalka labiska ciyaartoyda uu dhaqankani ka yahay wax iska caadi ah oo la aqbali karo.

Inkasta oo ayna suurtogal noo ahayn in aanu idinla wadaagno sawirada Giorgio Chiellini oo cadaan ah maadamaa oo dhaqan ahaan ayna fiicnayn in cawrada bini aadamka la shaaciyo balse waxaanu idinla wadagi karnaa iyada oo qaybta cawrada uu shoocaac saaran yahay balse jidhkiisa kale aad dhacdadan ka arki karto.

Ma jiro hal shay oo u asturin difaaca reer Talyaani ee Giorgio Chiellini waxaana ceebtiisa oo qaawan la soo dhigay baraha bulshada oo waliba xataa loo adeegsaday qaab maad ah iyada oo erayada loo adeegsaday ka mid yihiin : VAR-ka twitterka inta calaamad laga muujiyay ceebtiisa!.

Sawirka Giorgio Chiellini ayaa noqday mid fadeexad ku ah qolka labiska kooxdiisa Juventus iyo gaar ahaan shaqsiyadiisa iyada oo haddaba ay socoto dooda ah haddii ay dhaqanka ciyaartoyda kooxda Juventus tahay in ay soo maydhaan isla markaana ay qolka labiska soo galaan iyaga oo qaawan.