FADEEXAD: Ronaldinho Oo Kooxdiisii Flamengo Ka Codsaday Inay Toddobaadkii Laba Haleen U Ogolaadaan Tagista Baararka!! – Miyay Ka Ogolaadeen?

Halyeeyga kubadda cagta Brazil iyo kooxda Barcelona ee Ronaldinho ayaa la helay dalab kale oo fadeexadaysan oo uu hor dhigay kooxdiisii Flamengo markii uu kusoo biirayay sanadkii 2011.

Dhawaan ayuunbay ahayd markii Aleksandr Hleb oo ay Barcelona kawada tirsanaayeen Ronaldinho uu sheegay in sababtii isaga iyo Deco loo iibiyay ay ahayd inay tababarka kooxda kasoo xaadiri jireen iyaga oo cabsan.

Hleb ayaa banaanka keenay in Ronaldinho uu soo ahaa mid si joogto ah tababarka usoo gaadha isaga oo cabsan sidaa darteedna kooxdu ay u cabsatay inay saameeyaan Lionel Messi oo wakhtigaas oo baxayay.

Haatan ayaa la ogaaday in Ronaldinho uu kooxdiisii Flamengo ka dalbaday inay u ogolaadaan inuu toddobaadkii laba jeer tumasho tago isla markaana laba habeen ka xaadiro baararka.

Ninkan sanadkii 2002 kusoo guuleystay tartanka Koobka Aduunka ayay kooxdii uu wakhtigaa u wareegayay ee Flamengo ka ogolaatay heshiiskaas waalida ah ee uu ku dalbaday baarka.

Intaa waxa dheer in Ronaldinho uusan ahayn mid ku cusub dhaqan xumada uu kooxihiisa kusoo muujiyay isla markaana uu xataa Paris Saint-Germain kala soo muuqday.


 

Jerome Loy oo PSG kala soo tirsanaa Ronaldinho ayaa yidhi “Ronaldinho muu tababaran jirin maalin kamida toddobaadka waxaana uu kaliya isku diyaarin jiray jimcaha kulanka Sabtida”