Fabregas Oo Shaaciyay Xidiga Uu Ugu Necbaa In Uu Arsenal Kaga Horyimaado Iyo Isla Ciyaartoygan Oo Uu Cadeeyay In Ay Xalay Gunners U Jabtay.

Xidigii hore ee kooxaha Chelsea iyo Arsenal ee Cesc Fabregas ayaa xalay soo fadhiistay BT Sport wuxuuna qayb ka ahaa kooxdii khabiirada ahaa ee kulankii finalka Europa League falan qaynayay.

Fabregas ayaa waxyaabo badan ka sheegay intii uu fadhiyay BT Sport waxaana ka mid ahaa in uu shaaciyay ciyaartoyga Arsenal ka tirsan ee uu ugu necbaa in uu garoon kaga hor yimaado.

Fabregas ayaa xusay in isla ciyaartoygani uu ahaa kii ay xalay Arsenal u jabtay. Xidigii hore ee Gunners ee Fabregas ayaa Aaron Ramsey ku tilmaamay ciyaartoygii uu ugu necbaa in uu Arsenal kaga hor yimaado intii uu Chelsea joogay.

Fabregas iyo Aaron Ramsey ayaa saddex sanadood ku soo wada qaatay Emirates Stadium wuxuuna Fabregas xusay in maqnaanshihii Ramsey ee finalkii Europa league uu Arsenal dhibaato wayn ku noqday.

Fabregas oo qiraya in maqnaanshihii Aaron Ramsey ee finalkii Europa League uu khasaare wayn ku ahaa Gunners ayaa yidhi: “Xaqiiqdii aniga ahaan, khasaare wayn ayuu habeenka ku ahaa Aaron Ramsey”.

Cesc Fabregas oo cadaynaya in uu Ramsey ahaa ciyaartoyga uu ugu necbaa in uu waqtigiisii Chelsea kaga hor yimaado Arsenal ayaa yidhi: “Heerka shaqadiisa, isagu waa nooca ciyaartoy ee aad necbaysanayso in aad ciyaar kaga hor timaado, sababtoo ah meel uu ka yimid ma garanaysid”.

“Waxaynu ka hadlaynaa Ozil, anigu waan jecelahay Ozil, Waan jecelahay Ozil, tayadiisu waa mid aan la beenin karin, waxaan jecelahay in aan daawado isaga oo ciyaaraya, laakiin shaqada uu Ramsey ka qabtay Jorignho ee ciyaartii Emirates Stadium cajiib ayay ahayd” ayuu Fabregas hadalkiisa raaciyay.

Intaas kadib Fabregas ayaa soo qaatay dhacdii finalkii FA Cupka wuxuuna yidhi: “Finalkii FA Cupka waxaanu ugu soo laabanay 1-1, wax walba si deg deg ah ayuu khadka dhexe ugu soo biiray, waxa uu isagu dhaliyay goolkii guusha”.

“Isagu waa ciyaartoy aanad doonayn in aad ciyaar kaga hor timaado, khasaare wayn ayay Arsenal ku tahay” ayuu Fabregas hadalkiisa raaciyay isaga oo qiraya in bixitaanka Ramsey ee Gunners uu dhibaato ku noqon doono Arsenal.

Fabregas ayaa sidoo kale qiray in maqnaanshihii Mkhitaryan ee finalkii Europa League uu waxyeelo u keenay Gunners isaga oo aaminsan in uu shaxda Emery ku soo bilaaban lahaa balse qalalaasaha siyaasadeed ee Armenai iyo Azerbiajan uu Gunners saamayn xun kaga yeeshay.