Fabio Capello Oo Saadaaliyay Xulka Sanadkan Ku Guulaysanaya Koobka Aduunka Ka Hor Kulamada Afar dhamaadka Inta Aan La Ciyaarin.

Tababaraha ree Talyaani ee Fabio Capello ayaa saadaaliyay labada xul qaran ee finalka koobka aduunka iskugu soo bixi doona isaga oo waliba sii sheegay xulka ugu cad cad ee koobkan hanan doona. 72 sano jirkan kooxaha badan ka soo shaqeeyay ayaa amaanay xulka qaranka England oo uu afar sanadood ku soo qaatay wuxuuna aaminsan yahay in Gareth Southgate uu helay qorshe fiican oo uu ku dagaal galo.

Fabio Capello ayaa Garth Southgate ku amaanay go’aanka uu saddexda difaac ugu ciyaaro wuxuuna sheegay in haddii uu laba difaac dhexe ku ciyaari lahaa uu xili horeba gurigiisa ku laaban lahaa wuxuuna Capello sheegay in finalka ay iskugu iman doonaan xulalka France iyo England.

Fabio Capello ayaa aaminsan in haddii sida uu sheegay in ay France iyo England iskugu yimaadaan finalka koobka aduunka in markaas Three Lions ay noqon doonaan kuwa ugu cad cad ee koobka aduunka sanadkan ku guulaysan doona.

Fabio Capello oo ugu horayn ka hadlaya sida macalinka xulka England ee Garth Southgate uu xal ugu helay dhibaatadii England ayaa yidhi: “Southgate waxa uu fahmay in uu guriga ku tagi lahaa laba difaaac, sidaa daraadeed saddex ayuu ka dhigay. Ugu danbayn waxa uu helay goolhaye wax badbaadin kara. Pickford waxa uu leeyahay falcelin iyo dareenka boosishanka”.

Macalinkii hore ee England ee Fabio Capello oo ka hadlaya labada xul ee uu filayo in ay finalka koobka aduunka iskugu soo hadhi doonaan iyo midka uu u arko in uu ku guulaysan karo ayaa yidhi: “Finalka miyaa? France vs England. Haddii ay sidaa noqoto, waxaan arkaa in Engand ugu cad cadahay”.

Caawa waxaa kala bixi doona xulalka France iyo Belgium oo awood ciyaareed soo muujiyay intii uu koobka aduunku Russia ka socday balse waxaa hubaal ah in mid ka mid ahi uu caawa finalka soo gaadhi doono kaas oo sugi doona kulanka England iyo Croatia xulka ka soo bixi doona habeen danbe.