Faahfaahin Dheeri Ah Oo Kasoo Baxeysa Kulankii Ugu Dambeeyay Ay Wada Qaateen Macalinka Kooxda PSG Unai Emery Iyo Xidiga Ree Brazil Ee Neymar Jr.

Macalinka kooxda Paris Saint-Germain ee ree Spain Unai Emery ayaa wuxuu kulan la qaatay xidiga kooxdiisa ugu muhiimsan ee ree Brazil Neymar Jr, kahor kulankoodii ugu dambeeyay Champions League-ga ay kula ciyaareen kooxda ree Belgian ee Anderlecht.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Unai Emery uu ka dalbaday dhamaan ciyaartoyda kooxdiisa ku sugan ee ree Brazil gaar ahaan Neymar Jr, si uu u xaliyo khilaafka dhawaanahan ka dhax taagnaa tababarka kooxda Paris Saint-Germain.

Wararka ayaa waxay intaa kusii darayaan in Unai Emery uu la dhacsan yahay shaqada uu Neymar Jr ka hayo safka kooxda Paris Saint-Germain, laakiin wuxuu kasii dalbaday inuu sii wanaajiyo qaab ciyaareedkiisa si uu u qabto shaqo aad u adag, isaga oo xaqiijiyay in kooxda ay dooneyso inay ku guuleysato xili ciyaareedkan horyaalka Faransiiska iyo tartanka xiisaha badan ee Champions League-ga.

Wargeyska ayaa wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in Labadan nin ay meesha ka saareen khilaafkii ka dhaxeeyay xiliyadii lasoo dhaafay, kadib kulankii dhawaan ay wada qaateen, xili Neymar Jr kulankii ugu dambeeyay uu shaxda PSG kaga maqnaa sabab la xidhiidha dhaawac.

Wargeyska “Parisian” ayaa war bixin hore uu soo daabacay wuxuu ku sheegay in xidhiidhka ka dhaxeeya Unai Emery iyo Neymar uu gaadhay meeshii ugu xumeed, inkastoo macalinkii hore kooxda Sevilla uu kaga war bixiyay xili dambe xidhiidhka kala dhexeeya laacibka ree Brazil.

Comments

comments