Faahfaahin Cusub Oo Laga Helay Qandaraaska Lionel Messi Ee Barcelona: Janaayo Ayuu Koox Kale La Heshiin Karaa

Faahfaahin cusub ayaa laga helay qandaraaska uu Lionel Messi kula joogo kooxda Barcelona, waana mid ka duwan midkii shalay la baahiyay ee ahaa in sharuud ku jirta qandaraaskiisa ay u ogolaaneyso in dhamaadka xilli ciyaareed walba uu bixi karo.

Jariirada El Pais oo warkaan baahisay shalay oo Khamiis aheyd ayaa sheegtay in qandaraaska Messi uu dhacayo 2021, waxaana uu ka bixi karaa albaabka Camp Nou xagaaga danbe haddii uu doonayo.

Wargeyska Catalan ka soo baxa ee Mundo Deportivo  ayaa iyagana sheegay in Messi uu ka tagi karo Barcelona dhamaadka xilli ciyaareed walba haddii uu aadayo horyaal aan aheyn Yurub sida Xavi iyo Andres Iniesta ay sameeyeen markii ay u kala wareegeen Qatar iyo Japan.

Laakiin warkaas war kale ayaa ka daba yimid oo faahfaahin cusub oo qandaraaskiisa ah oo walwal ku abuuraya taageerayaasha Barcelona.

Wargeyska Marca ayaa sheegay in qandaraaska Lionel Messi uu dhacayo xagaaga 2020 islamarkaana uu qiyaar u heysto inuu ku darsado sannad kale oo ku dhamaanaya 2021. Sida haatan wax yihiin ma jiro qandaraas cusub oo loo soo bandhigay, waxaana uu xor u yahay inuu heshiis la gaaro kooxdii uu doono 1da bisha Janaayo.

Xiddiga reer Argentina ayaa doonayay inuu sugo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka si uu markaas go’aan xoriyad ah uga gaaro mustaqbalkiisa. Sida Marca ay sheegtay waxa uu haatan ka fekerayaa mustaqbalkiisa laakiin kuma jirto degdegsiimo.

Kooxda Barcelona ayaa ka warqabta xaalada waxaana ay doonayaan inay mar kale u kordhiyaan qandaraaska. Waxa ay ogyihiin haddii ay qandaraas cusub ka saxiixaan ka hor bisha Janaayo inay ka fogaan karaan kooxo kale oo la yimaada dalab waali ah.

Sida Marca ay sheegtay ma jirto ilaa iyo haatan wax soo jeedinaya in Messi uu doonayo inuu isaga tago Camp Nou, wax walbana sida caadiga ah ayay ku socdaan, laakiin haddii Janaayo la gaaro wax badan ayaa isbedeli kara.