Faah-Faahinta Mushaharka Eden Hazard Uu Ka Qaadan Doono Real Madrid Sanadkii, Bishii, Toddobaadkii Ilaa il-Bidhiqsigii!!.

Real Madrid ayaa shaki la’aan lasoo saxeexatay mid kamida xiddigaha wakhtigan ugu wanaagsan dunida kubadda cagta waana garabkii hore ee kooxda Chelsea Eden Hazard oo dhawaan noqday Madridista.

Real Madrid ayaa si aan kala joogsi lahayn xilli suuqyadii ugu dambeeyay u dalbanaysay Hazard balse Chelsea ayaa ahayd markasta caqabada ugu weyn ee kahor taagnayd iyadoo kooxda ree London ay sanado badan waxkasta usoo samaysay haysashada xiddigeeda.

28 jirkan oo qudhiisu bar-tilmaameedsan jiray inuu maalin uun kusoo biiro Madrid ayaa ugu dambayn dhawaan loo xaqiijiyay riyadaas waxaana uu caasimada Spain ugu biirayaa heshiis hordhac ah oo 88 Milyan ah.

Hazard ayaa kooxdiisa cusub qalinka ugu duugay heshiis shan sano ah taas oo la micno ah inuu Estadio Santiago Bernabeu kusii sugnaan karo ilaa 2024.

Haddaba, Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa mushaharka uu mudadaas u xaadiri doono Eden oo u faah-faahsan qadarka lacagta ah ee uu helayo sanadkii, Bishii, Toddobaadkii, Maalintii, Saacadii, Daqiiqadii iyo il-bidhiqsigii.

Mushaharka Hazard Oo Faah-Faahsan

£19,200,000 Sanadkii  £1,733,333 Bishii

£400,000 Toddobaadkii £57,142 Maalintii

£2,380 Saacadii £39 Daqiiqadii  £0.66p Il-bidhiqsigii.

Mushaharkan ayaa la micno ah in xiddigii hore ee Blues uu yahay midka ugu mushaharka badan Los Blancos waxaana uu ka sarre maray Gareth Bale oo hore u ahaa midka ugu mushaharka badan.

Si kastaba ha ahaatee, Sababta ugu weyn ee waxaas oo kharash ah loo galiyay Hazard iyo heshiiskiisa ayaa ah inuu buuxiyo ama ku dhawaado booskii uu kooxda a baneeyay Cristiano Ronaldo.