EURO2020: Cristiano Ronaldo Oo AFARLEY Dhaliyay, Xulka England Oo Gumaaday Kosovo, France Oo Guulaystay Iyo Natiijooyinkii Euro 2020.

Xulka qaranka England ayaa xusuuq u gaystay dhigiisa Kosovo oo marti ahaa, waxayna goolasha daadka ah Three Lions dhaliyeen qaybtii hore ee ciyaarta inkasta oo xulka Kosovo uu gool ku hor maray 34 kii ilbidhiqsi ee ugu horeeyay.

Dhinaca kale xulka Portugal ayaa gumaaday Lithuania iyada oo Cristiano Ronaldo uu afarley goolal ah kulankan ka dhaliyay. Xulalka France, Turkey iyo Albania ayaa dhamaantood guulo muhiim ah gaadhan.

SHIXIHII XULALKA ENGLAND IYO KOSOVO

KOSOVO (4-2-3-1): Arijanet Muric; Mergim Vojvoda, Amir Rrahmani, Fidan Aliti, Florent Hadergjonaj; Idriz Voca, Besar Halimi, Florent Muslija, Bersant Celina, Valon Berisha; Veda Muriqi.

Kadydka: Samir Ujkani, Ibrahim Dresevic, Anel Rashkaj, Florent Hasani, Elbasan Rashani, Visar Bekaj, Leart Paqarada, Mirlind Kryeziu, Atdhe Nuhiu, Edon Zhegrova, Bernard Berisha.

ENGLAND (4-3-3): Jordan Pickford; Trent Alexander-Arnold, Michael Keane, Harry Maguire, Ben Chilwell; Jordan Henderson, Declan Rice, Ross Barkley; Jadon Sancho, Harry Kane, Raheem Sterling.

Kaydka: Kieran Trippier, Tom Heaton, Danny Rose, Joe Gomez, Tyrone Mings, Harry Winks, Mason Mount, Alex Oxlade-Chamberlain, James Maddison, Marcus Rashford, Nick Pope, Callum Wilson.


Xulka qaranka England ayaa garoonka kooxda Southampton ee St Mary’s Stadium waxay ku soo dhaweeyeen dhigooda Kosovo kulankii 6 aad ee isreeb reebka loogu soo baxyo koobka qaramada Yurub ee Euro 2020.

Xulka Kosovo ayaa u baahday 34 ilbidhiqsi oo kaliya si ay goolka furitaanka ugaga yaabsadaan England kadib markii uu Keane qalad xun sameeyay isla markaana uu goolka furitaanka dhaliyay V. Berisha.

Waxa uu goolkani daah furay goolal badan oo sida dhibica roobka u da’ay isla markaana uu xulka England goolal badan kaga jawaabay.

Daqiiqadii 8 aad xulka England ayaa si deg deg ah uga jawaabay goolka looga hor maray kadib markii uu Raheem Sterling sii watay gool dhalintiisii cajiibka ahayd ee Three Lions wuxuuna goolkan ku dhaliyay caawin uu sameeyay M. Keane oo qaladkiisii hore caawintan ku saxay.

Raheem Sterling ayaa dhaliyay goolkiisii 8 aad ee siddeedii kulan ee xulkiisa England ugu danbeeyay isaga oo muujiyay in aanu gool dhalinta joojin karin.

Daqiiqadii 19 aad xulka England ayaa gabi ahaanba dhinaca kale u dhigay ciyaartii goolka furitaanka 34ka ilbidhiqsi looga dhaliyay waxaana goolka labaad u saxiixay Harry Kane oo markiisa caawin ka helay Raheem Sterling.

Daqiiqadii 38 aad xulka England ayaa goolka saddexaad ku helay iska dhalis ka yimid xidiga xulka Kosovo ee M. Vojvoda kaas oo shabaqa xulkiisa si qalad ah kubbada ugu taabtay, waxayna ciyaartu noqotay 3-1 uu xulka England ku dubanayay Kosovo.

Daqiiqadii 44 aad da’yarka mustaqbalka wayn ku leh xulka England ee Jadon Sancho ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee xulkiisa Three Lions dhaliyay isaga oo caawintii labaad ee ciyaarta uu sameeyay Raheem Sterling.

Laakiin laba daqiiqo oo kaliya kadib waxa uu Jadon Sancho dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta iyo xulkiisa England isaga oo qaybtii hore ee ciyaarta ku soo xidhay 5-1 uu xulka England guul wayn ugu taagnaa.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta xulka Kosovo ayaa daqiiqadii 49 aad helay goolkooda labaad kaas oo uu dhaliyay V. Berisha balse Kosovo ayaa goolka saddexaad ku helay rekoodhe qaladkiisa lagu ciqaabay Harry Maguire kadib markii uu qalad ku galay Muriqi, waxaana rekoodhahan  gool u badalay V. Muriqi.

Ciyaarta ayaa noqotay 5-3 uu xulka Kosovo si deg deg ah iskaga soo yareeyay goolashii badnaa ee qaybtii hore laga dhaliyay.

Daqiiqadii 65 aad Harry Kane ayaa xulka qarankiisa England ka khasaariyay goolka labaad kadib markii uu goolhayaha Kosovo ee A. Murić uu badbaadiyay darbada rekoodhe uu Kane goolkiisa labaad ku doonayay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5-3 uu xulka England ku sii watay guulihii waa waynaa ee ay ka soo gaadhayeen Euro 2020.


Xasuuqii Cristiano Ronaldo Ee Lithuania:

Dhinaca kale xulka qaranka Portugal ayaa xasuuq wayn u gaystay xulka yar ee Lithuania iyada oo Cristiano Ronaldo uu gabi ahaanba burburiyay ciyaartoyda Lithuani kadib markii uu afar gool kulankan ka dhaliyay.

Cristiano Ronaldo ayaa goolka furitaanka ee kulankan ku rekoodhe ku dhaliyay daqiiqadii 7 aad ee bilawgii ciyaarta laakiin waxa uu saddexda gool ee kale dhaliyay daqiiqadihii 61aad’, 65aad’ iyo 71aad.

Iyada oo Cristiano Ronaldo uu xulkiisa guul ku hogaamiyay ayuu William Carvalho dhaliyay goolka shanaad ee ay ku sii ceebeeyeen Lithuania.

Xulka Portugal ayaa 5-1 ku gumaaday Lithuania iyada oo ay habeen kale oo taariikhi ah u ahayd kabtanka Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Natiijooyinkii Kulamada Euro 2020 Ee Caawa La Ciyaaray:

France 3-0 Andorra

Lithuania 1-5 Portugal

Moldova 0-4 Turkey

England 5-3 Kosovo

Albania 4-2 Iceland