Ernesto Valverde Oo Wax Laga Waydiiyay Haddii Ay La Soo Saxiixanayaan Antoine Griezmann

Tababaraha Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka La Liga ugu danbeeya waxaa lagu waydiiyay haddii ay la soo saxiixanayaan Antoine Griezmann.

Kooxaha Barcelona, Paris Saint-Germain  iyo Man City ayaa lala xidhiidhinayaa Antoine Griezmann oo ku dhawaaqay in uu Atetlico Madrid ka baxayo.

Valvderde ayaa amaanay Antoine Griezmann laakiin waxa uu iska diiday in uu ka faaloodo wararka kooxdiisa xidiga reer France la xidhiidhinaya.

Valverde ayaa su’aalo dib ugu celiyay saxaafada wuxuuna waydiiyay haddii ay soo qorshaysteen in ay tababare kasta waydiinayaan in uu doonayo Griezmann.

Valverde oo wax laga waydiiyay Griezmann ayaa ku jawaabay: “Markastaba waxaanu sheegnaa wax isku mid ah, isagu waa ciyaartoy koox kale jooga. Ayaa og? Isagu waa ciyaartoy fiican, taas waligayba maan beenin”.

“Ma waxaad doonaysaan in aad tababare kasta oo kubbada cagta ah waydiisaan haddii ay isaga doonayaan? miyuu kaasi yahay qorshihiina?” ayuu Valverde saxaafada waydiiyay.

Valverde ayaa la sii waydiiyay doorka uu Griezmann kooxda Barcelona ku yeelan karo haddii uu ku soo biiro wuxuuna ku jawaabay: “Haddii uu isagu yimaado waad arki doontaan. Waxaynu ka hadlaynaa mala awaal, ciyaartoy iman kara, kaas oo halkan joogi kara, anigu ma doonayo in aan ka hadlo booskiisa”.

Dhinaca kale Valverde ayaa la waydiiyay haddii ay isha ku hayaan ciyartoy cusub wuxuuna yidhi: “Anigu ma ogi, taasi waa arin gudaha ah, waxaa jira dhinacyo kale oo ku lug leh oo fikrad ka haya”.

” Fikrada kooxdu waa in aanu ka dhigno kooxda ugu fiican ee aanu awoodno anaga oo xisaabta ku darsanayna xoganaanta iyo galdaloolooyinkayaga. Hadda waxaanu haysanaa final aanu ka fikirayno, labada koob ayaanu sanadkan ku guulaysan karnaa”.