Ernesto Valverde Oo Ka Warbixiyay Xaalada Taam Ahaansho Ee Lionel Messi? Miyuu Diyaar U Noqon Karaa Kulanka Inter Milan Ee Champions League?

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa ka hadlay xaalada xidiga kooxdiisa ee Lionel Messi kaas oo uu hore ugu soo daray liiska ciyaartoyda uu Milan ula soo safray ka hor kulanka adag ee ay Blaugrana la ciyaari doonto kooxda Inter Milan.

Barcelona ayaa kaalinta kowaad kaga soo bixi karta Guruub B haddii ay guul ka gaadho Inter Milan iyada oo sido kale wareega 16ka UEFA Champions League u soo bixi karta wuxuuna Ernesto Valverde ka hadlay in ayna halis galin doonin Messi balse ay hubin doonaan xaalada tababarkiisa ugu danbeeyay.

Lionel Messi ayaa ka soo muuqday tababarkii ugu danbeeyay ee ay Barcelona ku qaadatay dalka Talyaaniga wuxuuna Ernesto Valverde muujiyay in aanu wax halis ah qaadan doonin haddii aanu Messi taam buuxa u ahayn kulankan.

Balse Ernesto Valverde ayaa xaqiijiyay in Lionel Messi uu ku jiro xaalad uu ku ciyaari karo oo uu kulankan diyaar ugu noqon karo balse ay taxadar badan samayn doonaan go’aanka ay ka qaadan doonaan.

Ernesto Valverde oo Lionel Messi ka hadlaya ayaa yidhi: “Leo waxa uu joogaa meel uu diyaar  ku noqon karo, laakiin waxaa waajib nagu ah in aanu sugno. Waxa ay ku xidhan tahay tababarka. Waxaa jira saddex ama afar doorasho, laakiin wax halis ah ma galin doono (Messi)”.

Valverde ayaa farxad ka muujiyay in Lionel Messi uu kooxdiisa hadda qayb ka yahay kadib markii uu dhaawac ku seegay kulamadii ugu danbeeyay wuxuuna yidhi: “Waxaan filayaa in ay wax ka fiican tahay in uu halkaas isagu joogo, wax walba oo kale way ka badan tahay, sababtoo ah isagu waa ciyaartoy dheeraad ah, sidaa daraadeed, wax badan oo aanu soo doorano ayaanu haysanaa. Dabcan waa lagama maar maan in Messi uu soo kabsado”.

Intaa kadib Valverde ayaa ka hadlay qorshihiisa ciyaarta Inter Milan wuxuuna yidhi: “Waxaanu u baahanahay in aanu maamulno ciyaarta si aanu hadafkayaga u gaadhno, wax la mid ah ayay u tahay Inter, laakiin sidoo kale waa in aad xooganaato”.

Ernesto Valverde oo ka hadlaya waxa uu Inter Milan ka filayo ayaa yidhi: “Waxaanu filaynaa koox la mid ah tii aanu ku haysanay Camp Nou, xaqiiqdiina aad uga weerar badan sabbatoo ah cadaadiska iyaga saaran. Inter xogaanaan fiican ayay leedahay, waxay doonayaan in ay ciyaarta maamulaan oo ay caddaadis sare sameeyaan, taasi waa sababta ay xili ciyaareedkan natiijooyin fiican u haystaan, waxaanu rajaynaynaa Inter ka fiican”.