Emre Can Oo Dhaleeceen U Soo Jeediyay Horyaalka dalka Germany Ee Bundesliga, Kadib Markii Uu La Barbar Dhigay Premier League-ga.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Liverpool Emre Can ayaa ku dhaleeceeyay horyaalka dalka Germany ee Bundesliga inuu yahay midaan soo jiidasho lahayn isagoo sheegay inuu daawan Bundesliga sannadihii lasoo dhaafay .

Emre Can ayaa wuxuu shaaca ka qaaday mar uu la hadlayay wargeyska lagu magacaawo “Welt”: “Si aan daacad u noqdo runtana aan u sheego, sannadihii u dambeeyay Bundesliga wuxuu noqday mid caajis badan, iyadoo kooxda kaliya ee horyaalka ugu cad cad ay tahay Bayern Munich”.

Khadka dhexe kooxda Liverpool ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: “marka aad isla barbar dhigto horyaalada Bundesliga iyo Premier League-ga, xiisaha horyaalka Germany wuxuu noqday mid hoose, laakiin kubada cagta ee dalka Jarmalka waa mid si weyn looga qadariyo England”.

Emre Can ayaa wuxuu kaga soo muuqday xulkiisa qaranka Germany koobkii Euro 2016 ee ka dhacay dalka france, taasoo farxad galisay jamaahiirta kooxda Liverpool xirfadiisa sare uu ku soo bandhigay inta uu socday tartanka.

Laacibka ree Germany ayaa wuxuu inta badan macalinka ay isku darlka kasoo wada jeedaan ee Jürgen Klopp u adeegsada kheybta dhexe ee kubad bur burinta, waana boos ka duwan, halka uu kaga ciyaaro xulkiisa Germany, oo inta badan Joachim Löw uu u adeegsado qeybta garabka midig.