Eduardo Inda Oo Ah Wariye Ka Howlgala Dalka Spain Oo Ku Dooday In 150 Million Euros Ay Ku Qasbi Karto Lionel Messi Inuu Khiyaameeyo Barcelona.

Eduardo Inda oo ah saxafi caan ah ee ree Spain isla markaana ah soosaaraha barnaamij si xoogan looga xiiseeyo gudaha dalka Spain ee ‘El Chiringuito” ayaa waxaa si xoogan looga hadlay laacibka ree Argantina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi, maadaama lagu sii dhawaanayo xiliga uu ku eg yahay heshiiska uu ku joogo garoonka Cump Nou.

Heshiiska uu Lionel Messi ku joogo kooxda Barcelona  ayaa wuxuu dhacayaa dhamaadka xili ciyaareedkan, taasoo ka dhigeysa sida warbixinta lagu sheegay in laacibka ree Argantina 49 maalin kadib uu heshiis la gaadhi karo kooxa uu doono, isagoo aanan u baahneen ogolaanshaha saraakiisha kooxda Barcelona.

Eduardo Inda ayaa wuxuu kaga hadlay barnaamijka ‘El Chiringuito”: “49 maalin ayaa inaga xigta xiliga uu Lionel Messi xur u noqon doono inuu heshiis la gaadho kooxda uu doono isagoon u baahan ogolaanshaha maamulka kooxda ree Catalonia”.

Wariyaha ree Spain ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: “Xaaladda siyaasadeed ee haatan ka jirta gobolka Catalonia ayaan ka caawini doonin in go’aamada looga fadhiyo Messi inuu ka gaadho mustaqbalkiisa in heshiis cusub uu u saxiixo Barcelona ama inuu isaga dhaqaaqo”.

Eduardo ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Messi wuxuu sidoo kale ku fikirayaa inuu u dhaqaaqo horyaalka Chinese Super League kadib koobka aduunka, sababtoo ah waxaa diyaar lala yahay in sanadii mushaar ahaan loo bixiyo aduun dhan 150 million euros isaga dartii”.

Lionel Messi ayaa la filayaa inuu noqdo laacibka ugu mushaarka badan taariikhda kubada cagta, laakiin waa hadii uu go’aansado inuu ka dhaqaaqo kooxda Barcelona si uu u biiro horyaalka Chinese Super League-ga.

Comments

comments