Eden Hazard Oo Ugu Dambayn Sharaxaad Faah-Faahsan Ka Bixiyay Sababta Uu Ugu Biiri La’yahay Kooxda Real Madrid Ee Ku Qasbaysa Inuu Baaqi Kusii Ahaado Chelsea!!.

Garabka kooxda Chelsea ee Eden Hazard oo xilli suuqyadii ugu dambeeyay si ba’an loola xidhiidhinayay u dhaqaaqista dhinaca Real Madrid ayaa ugu dambayn jawaab faah-faahsan ka bixiyay sababta uu ilaa haatan ugu biiri la’yahay kooxda ree Spain.

Xiddigan ree Belgium ayaa xilli ciyaareed weyn ku naaloonaya isaga oo hoggaanka u haya gool dhalinta Premier League kaddib 7 gool oo uu dhaliyay balse kooxdiisa ayaa ka werwersan inuusan wali wax heshiis ah oo cusub saxeexin isaga oo qanadaraaskiisii hore uu ku eg-yahay sanadka 2020.

Haddaba, Eden ayaa si dadban u weeraray goolhayaha kooxda Real Madrid ee Thiabut Courtois kaas oo xagaagii dhawaa qaab xun kaba baxay Chelsea kaddib markii uu ku qasbay in Los Blancos laga iibiyay waxaana uu Hazard sheegay inuusan ahayn nooca ciyaartoy ee sidaas kaga taga koox waxkasta u samaysay.

27 jirkan ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Anigu ma doonayo sidaas waxaan doonayaa waxa aniga ii fiican sidoo kale waxaan doonayaa waxa u fiican kooxda sababtoo ah kooxdu waxa ay i siisay waxkasta”

“Ma doonayo inaan idhaahdo ‘Haa waxaan saxeexayaa heshiis cusub’ kaddibna ugu dambayn aanan saxeexin, Sidaa darteed waxaan ka ogaan doona maskaxdeyda, Mararka qaar maskaxdayda waxaan kacaa aniga oo ka fikiraya inaan doonayo inaan tago”

“Mararka qaar waxaan u maleeyaa inaan doonayo inaan joogo, Waa go’aan adag, Waa mustaqbalkeyga waxaan ahay 27 jir waxaanan 28 jirsan doonaa Bisha January”

Si kastaba ha ahaatee, Eden Hazard ayaa dhawr jeer oo hore si cad u qirtay xiisaha uu u qabo ku biirista Real Madrid balse hadalkiisa ayaa laga dhex akhrisan karaa in sababta ugu weyn ee Stamford Bridge ku haysaa ay tahay abaalkii uu Blues ka helay sanadihii uu ku sugnaa.