Eden Hazard Oo Quus Ka Istaagay Hanashada Ballon d’Or Xilli Uu Si Toos Ah U Tilmaamay Xiddiga U Qalma Hanashada Abaalmarintaas, Ronaldo, Messi Mise Modric?

Garabka kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Belgiume ee Eden Hazard ayaa u muuqda mid quus ka istaagay hanashada abaalmarinta Ballon d’Or balse waxa uu taa badalkeeda sheegay xiddiga sida dhabta ah ugu qalma inuu abaalmarintaas hanto.

Eden Hazard ayaa qudhiisu qayb ka ah xiddigaha 30-ka ah ee u tartamaya ku guuleysiga abaalmarintan balse waxa uu sheegay inuusan isagu ku guulaysan karin balse uu jiro ciyaartoy la odhan karo waa midka xaqa u leh.

Hazard ayaa sheegay in khadka dhexe ee Real Madrid ee Luka Modric oo 33 jir ahi uu u qalmo inuu abaalmarintan ku geelaysto isaga oo dhinaca kale tartame ka dhigay daafaca Madrid iyo France ee Raphael Varane kaas oo labada koob ee ciyartoy kasta ku riyoodo hal mar wada hantiyay.

27 Jirkan ayaa yidhi “Uma malaynayo inaan ku guuleysan doono, Fikir ahaanteyda Modric ayaa u qalma, Waxa jira saddex ilaa afar ciyaartoy, Waxaan odhan karaa Varane sababtoo ah waxa uu ku guulaystay wax badan sidoo kale anigu waan u qalmi karaa, Yaynaan been sheegin”

“Laakiin dhab ahaantii waxaan filayaa in Modric uu ku guuleysan doono, Waxay abaalmarin u noqon doontaa xilli ciyaareedkiisii cajiibka ahaa ee Champions League iyo Final-kii Koobka Aduunka”

Hadalka Hazard ayaa ah mid uusan marnaba kusoo hadal qaadin xiddigaha 10-kii sano ee ugu dambeeyay sida talan taaliga ah ugu soo guulaysanayay abaalmarintan ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Ugu dambayn, Xiddigan qudhiisa ayaa bandhig heer sarre ah samaynaya ilaa haatan xilli ciyaareedka cusub isaga oo 7 gool oo Premier League ah ku hoggaaminaya abaalmarinta Kabta dahabka ah ee PL.