Eden Hazard Oo Muddo Laba Bilood Ka Badan Markii Ugu Horaysay Tababar La Qaatay Ciyaartoyda Kooxdiisa Iyo Xaalada Marco Asensio.

Jamaahiirta kooxda Real Madrid ayaa war wanaagsan ka helaya xerada tababarka kooxdooda ee Valdebebas kaddib tababarkii maanta gaar ahaan xiddigaha ay warkooda sugayeen ee Eden Hazard iyo Marco Asensio oo labaduba dhaawacyo qabay.

Aan ku bilawnee ciyaaryahanka farxada badan siiyay taageerayaasha Madrid ayaa ahaa Hazard oo ka qayb qaatay tababar wadareedkii xiddigaha kooxda si uu talaabo hore ugu qaado taam ahaanshihiisa jidh ahaaneed walow taxadar badan uu samaynayay.

Dhinaca kale xiddiga xilli ciyaareedkan oo dhan dhaawaca ku maqnaa ee Marco Asensio oo mudo hayay wadada uu garoomada ugu soo laabanayo ayaa qayb ka qaatay tababar wadareedkii xiddigaha kooxdiisa.

Labada weeraryahan ee Los Blancos ee Mariano Diaz iyo Luka Jovic ayaa labaduba dhaawacyo qaba balse waxa ay halkooda kasii wadaan inay ku tababartaan xarunta jidh dhiska (GYM-ka) si ay soo kabashadooda usii wadaan.

Tababare Zinadine Zidane ayaa ahaa shaqsiga kormeeraha ka ahaa tababarkii Madrid ee maanta oo Salaasa ah, tababarka ayaa isku jiray mid jidh ahaaneed iyo mid farsamo xilli ay kooxdu si aayar ah usii adkaynayso tababarada maalinba maalinta xigta kahor inta uusan horyaalka La Liga soo laaban.

Xiddigaha dhaawaca uga soo laabanaya Real Madrid marka ay kubadda cagtu soo laabato ee ay ugu horreeyaan Marco Asensio iyo Hazard ayaa sida laba saxeex oo cusub u noqon doona safka kooxdooda maadaama oo ay inta badan xilli ciyaareedkan seegeen.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook