Eden Hazard Oo Lambar Si Ku Meel Gaar Ah Loo Siiyay Ka Dib Markii Uu Maanta Soo Xaadiray Tababarkiisii Ugu Horeysay Ee Real Madrid

Eden Hazard ayaa ku riyaaqay maalintiisii ugu horeysay ee tababarka Real Madrid iyadoo xiddiga reer Belgium uu sawiro dhowr ah soo dhigay baraha bulshada iyadoo ciyaartoyda tababare Zinedine Zidane ay bilaabeen tababarkooda Valdebebas.

“Maalintii 1aad ee xafiiska cusub!” ayuu Hazard ku soo qoray bogiisa Instagram isagoo adeegsanaya luqadaha Ingariiska iyo Faransiiska waxaana uu raaciyay #halamadrid.

Qoraalkaas waxaa la socday seddex sawir oo uu saaka isaga qaaday xarunta tababarka Real Madrid ee Real Madrid City.

Si la mid ah ciyaartoyda kale ee kooxda, Eden Hazard ayaa saaka maray baaritaan caafimaad iyadoo caadiyan lagu sameeyo ciyaartoyda maalinta koowaad ee tababarka marka ay soo laabtaan fasaxooda xagaaga.

Waxa uu sidoo kale bartay asxaabtiisa cusub ee kooxda, waxaana uu si weyn u salaamay xiddig uu si fiican u yaqaano goolhayaha xulka Belgium Thibaut Courtois oo ay sidoo kale Chelsea isla joogeen.

Sawiradii ay baahisay Real Madrid galabnimadii maanta, waxaa la arki karay Eden Hazard oo xiran maaliyada No.23.

Laakiin ma ahan lambarka saxda ah ee uu ku dheeli doono xilli ciyaareedka soo socda kaliya waa lambar ku meel gaar ah inta uu ka helayo lambarka uu doonayo.

Hazard ayaa sugaya inta uu ka baxayo xiddiga lagu magacaabo Mariano si uu u dhaxlo lambarkii Cristiano Ronaldo ee No.7

Inta ka horeysa waxa uu sii xirnaan doonaa No.23 oo uu hore u soo xirtay xiddigii Ingariiska David Beckham markii uu joogay Santiago Bernabeu.