Eden Hazard Oo Ku Dhawaad Mudo Bil Ah Ku Sugan Real Madrid, Inaan Wali Wax Lambar Ah La Siinin & Xiddiga Uu Sugayo In La Fasaxo Si Uu Lambarka Uga Dhaxlo.

Saxeexa cusub ee kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa haatan mudo bil ku dhaw soo ahaa ciyaartoy kooxdaas qayb ka ah balse arrinta layaabka leh ayaa ah inuusan wali wax lambar ah ka heli safka kooxdiisa cusub.

Hazard ayay markii ka ciyaartoy Madrida ahaan loo soo bandhigay ay ahayd 13-kii bishii June waxaana ay wararka uugu badan ee xanta ahi sheegayeen inuu la wareegi doono maaliyada No.7 balse wali looma xaqiijin.

Iyadoo uu haatanba No.10-ka uu jecel yahay Hazard uu xidhan yahay xiddiga kooxdaas ee Luka Modric ayuu No.7 yahay lambarka kaliya ee ku haboonaan lahaa xiddig muhiimad weyn ugu leh koox uu ku cusub yahay sida Hazard boos weerarna ka ciyaara.

Lambarka No.7 ayuu hore u xidhan jiray halyeeyga Los Blancos ee Cristiano Ronaldo balse Mariano Diaz ayaa la wareegay horraantii xilli ciyaareedkii hore walow uu masuuliyadiisa kasoo bixi waayay kaddib dhaawacyo dishooday.

Mariano oo ah xiddiga uu Hazard rajada ka qabo ee uu doonayo in maaliyada looga siibo ayaan ku dhawayn inuu ka baxo Santiago Bernabeu balse xaqiiqada ah inuusan ku jirin qorshaha Zinadine Zidane ayaa ka caawin karta inuu iskaga hayaamo kooxdaas.

Haddiiba uu Hazard dhaxlo No.7 isla markaana la diro Mariano Diaz ayuu qaadi doonaa masuuliyada maaliyada ugu miisaanka culus kooxda iyadoo ay hore usoo xidheen xiddigihii waaweynaa ee Ronaldo, Raúl, Juanito, Amancio, Butragueño iyo Kopa.

Sidoo kale waxa xusid mudan in Hazard oo helay No.7 uu hadhaw u guuri karo No.10 oo uu si weyn u xiiseeyo isla markaana uu usoo xidhay kooxaha Lille iyo Chelsea haatana u xidho qarankiisa Belgium.