Eden Hazard & N’Golo Kante Oo Kasoo Muuqday Bandhiga Maaliyada Saddexaad Ee Kooxda Chelsea Xilli Uu Wali Shaki Ku Jiro Mustaqbalkooda Blues.

Xiddigaha kooxda Chelsea ee N’Golo Kante & Eden Hazard ayaa kasoo muuqday bandhiga maaliyada saddexaad ee ay Chelsea ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub iyadoo uu shaki badani ku hareeraysnaa mustaqbalka xiddigahan toddobaadyadii ugu dambeeyay.

Eden Hazard ayaa si aan kala joogsi lahayn loola xidhiidhinayay kooxda Real Madrid oo suuqa ugu jirta badalka rasmiga ah ee weeraryahankii dhawaan ka baxay safka kooxdeeda ee Cristiano Ronaldo, 27 jirka ree Belgium ayaa isaga qudhiisu dhawr jeer si maldahan u sheegay inuu jecelyahay ka ciyaarista Los Blancos.

Dhinaca kale khadka dhexe ee kooxda N’Golo Kante oo si weyn xiiso uga helayay kooxo kala duwan oo ay ugu horeeyaan Barcelona & Paris Saint-Germain ayaa qayb ka ah xiddigaha kooxda ee ka qayb qaatay bandhiga maaliyadan jaalaha ah.

Xaysiiskan ay Blues kusoo bandhigtay maaliyadeeda saddexaad ee xilli ciyaareedka cusub isla markaana ay qabta kaga dhigtay xiddigaha lala xidhiidhinayay inay kooxda ka baxayaan ayaa biyo qabaw ku shubaya war kasta oo sheegayay inay ka baxayaan kooxda xagagan.

Tababaraha cusub ee kooxda, Maurizio Sarri ayaa dhawaan sheegay inuu waxkasta u samayn doono sidii uu kooxda ugu sii hayn lahaa xiddigaha waaweyn ee bixitaanka lala xidhiidhinayo oo ay kamid yihiin Thibaut Courtois, Eden Hazard, Willian iyo N’Golo Kante.