“Dunida Kubada Cagta Oo Dhan Ayaa Dooneysa Inaan Ku Fashilmo Manchester United” – Solskjaer

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in dhamaan dunida kubada cagta ay dooneyso inuu ku fashilmo shaqadiisa Manchester United.

Tababaraha Manchester United ayaa wacad ku maray inuu iska dhigi doono sida tababaraha halyeeyga ah Sir Alex Ferguson isagoo abuuraya maskax xoogan.

Solskjaer ayaa qirtay: “Waan ogahay inaan cadaadis ku hoos jirno.

“Waa qeyb ka mid ah shaqada Man United. Markii aan kaalinta labaad ka soo galnay horyaalka oo uu ina hogaaminayay Sir Alex, waxaa la lahaa mashaqo ayaa ku habsatay kooxda. Waan xamili karaa cadaadiskaas.

“Qof walba marka laga reebo taageerayaasheena ayaa doonaya inaan fashil noqono.

“Waa inay ciyaartoyda midnimo muujiyaan ka dib waan hubaa inaan ka sii horumari doono sidii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

SIDOO KALE AKHRISO:  SADDEXDAN Ciyaartoy Ayaanu Kaga Samraynaa Neymar - PSG Oo Dookheeda Ka Ciyaartay Xiddigaha Real Madrid & Saddexda Xiddig Ee Ay Codsatay.

Kooxda Manchester United ayaa si weyn ugu baahan inay horumar sameyso ka dib markii ay kaalinta lixaad ee horyaalka ku dhameysteen xilli ciyaareedkii la soo dhaaafay.

Laakiin waxaa weli harsan in la sugo oo la arko ciyaartoyda imaanaya iyo kuwa baxaya ka hor inta uusan xilli ciyaareedka horyaalka bilaabanin seddex isbuuc ka dib.

Romelu Lukaku ayaa seegay kulankii shalay 1-0 kaga badiyeen Inter Milan ee saaxiibtinimo iyadoo sababta maqnaanshihiisa lagu tilmaamay inuu dhaawac ka qabo canqowga.

Waxaa la fahamsan yahay in United ay soo diiday dalab 60 milyan euro ah oo ay kooxda Inter ka soo gudbisay xiddiga reer Belgium.

SIDOO KALE AKHRISO:  Jose Mourinho Oo Markii Ugu Horreysay Aragtidiisa Ka Dhiibtay Da'yarka Dalkiisa Portugal Ee Joao Felix & Waxa Kaliya Ee Uusan Marnaba Ka Baxsan Karin.

Dhanka kale United ayaa ka cagajiideysa inay bixiso lacagta ay Leicester ku rabto daafaceeda dhexe Harry Maguire oo gaareysa 85 milyan ginni.

Sidoo kalena Man United weli wax dalab rasmi ah kama gudbinin xiddiga khadka dhexe ee Sporting Lisbon Bruno Fernandes.