DOOD WADAAG: Real Madrid, Barcelona Mise Atletico Madrid? Kooxdee Xili Ciyaareedka Ugu Fiican Soo Qaadatay? Miyaad Champions League Dhaafsan Lahayd La Liga + Copa Del Rey?

Saddexda kooxood ee dalka Spain ugu awooda badan dhinaca kubbada cagta ayaa xili ciyaareedkan kuwada dhamaystay iyaga oo koobab ku guulaystay iyada oo Barcelona meel wada dhigatay labadii koob ee maxaliga ahaa ee La Liga iyo Copa Del Rey halka Real Madrid ay sii wadatay rekoodhkeeda cajiibka ah ee UEFA Champions League oo ay markii saddexaad oo xidhiidh ah ku guulaysatay, laakiin kooxda Atletico Madrid ayaa koobka Europa League markeedii saddexaad hanatay.

Waxa aanu shaki ku jirin ayaa ah in saddexda kooxoodba ay soo qaateen xili ciyaareed guulaystay laakiin waxay iswaydiintu tahay kooxdee xili ciyaareedka ugu fiican soo qaadatay marka ay noqoto koobabka ay ku soo kala guulaysteen?.

Ma koobka UEFA Champions League oo kaliya ayaa muhiimad wayn leh mise lababada koob ee La Liga iyo Copa Del Rey? waxay u muuqataa in Atletico Madrid ay markasta noqonayso kooxda saddexaad, sida ay marka horeba awood ahaan u tahay kooxda saddexaad ee La Liga ama dalka Spain.

Haddii aan dooda ka reebno kooxda koobka labaad ee UEFA Europa League ku soo guulaysatay, waxay dooda ugu adagi ka taagan tahay Real Madrid iyo Barcelona midkee xili ciyaareedka guulaystay soo qaatay?, waxayna u muuqataa in koox kastaaba ku faraxsan tahay waxa ay gaadhay.

Laakiin haddii aan eegno, kooxaha Real Madrid iyo Barcelona waxay mid kastaaba jeclaan lahayd in ay saddexda koob isla hesho laakiin marka la eego laba koob oo La Liga iyo Copa Del Rey ah iyo koobka Champions League ayaa ah kuwo isku dhibma inkasta oo tababarayaasha qaar ay si cad u doorteen labada koob ee La Liga iyo Copa Del Rey.

Zinedine Zidane ayaa tilmaamay in waxa ugu adag ee la samayn karaa uu yahay ku guulaysiga koobka La Liga wuxuuna ku tilmaamay waxa ugu quruxda badan inkasta oo uu sidoo kale tilmaamay muhiimada Champions League, sidoo kale macalinkii hore ee Barcelona ee Luis Enrique ayaa hore u sheegay in sanad kasta uu jeclaan lahaa in uu La Liga iyo Copa Del Rey uu kuwada guulaysto halka uu Champions League oo kaliya ku guulaysan lahaa.

Mar haddii ay jirto in ay adag tahay in hal mar la wada helo ku guulaysiga UEFA Champions League, La liga iyo Copd Del Rey oo ay Barcelona ilaa hadda tahay kooxda laba jeer oo kaliya taariikhdan soo samaysay, waxay noqdeen koobab hadda loo kala badan yahay, iyada oo Barca caado ka dhigatay koobabka La Liga iyo Copa Del Rey tobankii sano ee la soo dhaafay halka Real Madrid ay taariikh cusub ka samaysay UCL.

Haddii aan koobabka ka nimaadno, Barcelona waxay kaalinta kowaa kaga dhamaysatay horyaalka La Liga oo ay waliba taariikh layaableh ka soo dhigtay iyada oo 43 kulan oo xidhiidh ah aan wax guuldaro ah soo arag waxayna xili ciyaareedka dhan la kulantay hal guuldaro oo La Liga ah ee 38 kii kulan ee horyaalka dalka Spain.

Real Madrid ayaa kaalinta saddexaad kaga dhamaysatay La Liga iyada oo waliba 17 dhibcood ka hoosaysay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Barcelona waxaana kaalinta labaad ku dhamaysatay Atletico Madrid oo markii ay ka saaqiday Champions League si layaableh ugu guulaysatay Europa League.

Haddaba akhriste haddii aad tahay taageere Real Madrid ah, koobka Champions league ma dhaafsan lahayd La Liga iyo Copa Del Rey, sidoo kale akhriste haddii aad tahay taageere Barcelona ah, labada koob ee La Liga iyo Copa Del Rey ma ku badalan lahayd koobka Champions League?.

Sidoo kale haddii aanad ahayn taageere kooxaha Barcelona ama Real Madrid, oo aad koox kale taageerto, koobka Champions League miyaad dhaafsan lahayd koobka horyaalka kooxda aad taageertaa ka ciyaarto oo waliba lagu daray koobka labaad ee laga ciyaaro?.

Wixii fikrad ah waxaad nagula wadaagi kartaa qaybta hoose ee fariimaha iyada oo ay hubaal tahay in dadku ayna fikraad ahaan iskaga mid ahayn isku badalashada labada koob ee maxaliga ah iyo waliba koobka Champions League.

5 Comments

  1. anigu waxaan tageeraa REAL MADRID marnaba kuma badasheen labada koob ee ay barcelona qaaday koobka dhagaha wayn ee champions league fikir kayga waxaa in badan ka wayn kana sharaf badan champions league sabab too ah waa koobka ugu wayn heerka kooxaha waa adigoo lagu yidhi kala dooro koobka aduunka iyo koobka qaarada yurub oo kale ‘

  2. Champion league aya ka muhiimsan koobkasto lag ciyaro yurub mrka anigu championkN ka dooran laha laliga iyo copa rey

  3. waa waxaan isku dhaween weyan waa iyado lagu kala dooransiyay koobka qaarada africa iyo ka wadan miyay isku dhaw yihin chapionku waa wadamo badan isaga qaalisan mana dhaafsaden

  4. koobka championka ba wayn sida ay ila tahay dela rey iyo laliga waxba ma ahan markii loo fiiriyo champion tusaaale ahaaaan sanadkasta bayern munich way qaada 2koob ee dalkeeeda hadana cidna ma xusto juve wa la mid psg wa la mid hadana cidna maxusto marka barce kuwa kale aaan koobabkooda la xusin ooo aaan u dhigmin champions leage sideee buu ugu dhigba 2 koob ay barca qaaaday mida kale champions hada qaado jaaanis waxa u heeesataaa fursad aaad 3 koob ku qaaadid oo waxa ciyaaaraysa ueva super cup iyo fifa wolr cup teams 3daaaas koob iyo laliga and dela rey ma isku qiiima aaan idinka dib idiiin suaaale mahadsanidiiin by koshin mn

Comments are closed.