DOOD WADAAAG: Lionel Messi, Cristiano Ronaldo Mise Virgil Van Dijk? Midkee U Qalma Abaal Marinta Xidiga Sanadka Ee Yurub?

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay saddexda musharax ee iskugu soo hadhay abaal marinta laacibka sanadka ee qaarada Yurub ugu fiican iyada oo Virgil Van Dijk, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ay abaal marintan iskugu soo hadheen.

Sadio Mane, Mohamed Salah, Eden Hazard iyo Alisson Becker ayaa ka mid ah liiska ciyaartoyda aan nasiibka u helin in ay saddexda musharax ku soo baxaan laakiin waxay haddaba doodi ka taagan tahay xidiga inta ugu badan u qalma abaal marinta Yurub.

Lionel Messi ayaa soo qaatay xili ciyaareed cajiib ah wuxuuna kooxdiisa Barcelona kula soo guulaystay koobabka La Liga iyo Spanish Super Cup wuxuuna ku soo dhamaystay xidigii ugu gool dhalinta badnaa horyaalka La Liga iyo waliba qaarada yurub isaga oo kabta dahabka ah ee Golden Boot soo hantay.

Sababahan awgood, waxay dad badani aaminsan yihiin in Lionel Messi uu u qalmo ku guulaysiga abaal marinta xidiga sanadka ee qaarada Yurub.

Laakiin waxaa jira dad kale oo aaminsan in Cristiano Ronaldo yahay xidiga ay tahay in abaal marintan farta laga saaro kadib markii uu xulkiisa Portugal ka soo caawiyay koobka cusbaa ee UEFA Nations League inkasta oo uu afar dhamaadkii iyo finalkii oo kaliya ciyaaray.

Waxa kale oo uu Ronaldo haystaa in kooxdiisa Juventus uu la soo qaaday koobka horyaalka Talyaaniga ee Serie A iyo Italian Super Cup waana cadaymaha uu Ronaldo ku doonayo in uu abaal marintan markale ugu guulaysto.

Balse waxaa jira tiro badan oo kubbada cagta aduunka ah kuwaas oo Messi iyo Ronaldo aan u arkin in ay inta ugu badanu qalmaan abaal marinta xidiga sanadka ee Yurub, waxayna Virgil Van Dijk u arkaan kan ay tahay in lagu abaal mariyo wixii uu soo sameeyay.

Van Dijk ayaa kooxdiisa Liverpool si layaableh uga soo caawiyay koobabka UEFA Champions League iyo UEFA Super Cup waxa uu soo hantay abaal marinta xidiga sanadka ee horyaalka Premier league ugu fiican, balse waxa uu taageero badan ku helay qaabkii uu u xaliyay dhibaatadii difaac ee Reds.

Haddaba akhriste, anaga iyo akhristayaasha kale ma nala wadaagi kartaa fikradaada ku aadan xidiga inta ugu badan u qalma ku guulaysiga abaal marinta xidiga Yurub ee sanadka ugu fiican? Sidoo kale sababta aad saddexdan xidig ku kala dooratay.

15 Comments

  1. Ano ku bilabaya Magacayga waa madar waxan rajaynaya sanadkan in u messi la siiyo Baladi,orka Waana Xidig u Qalma markan eegay Wax Qabadkiisii Sanadki Laso dhaaFaY

  2. vandijk aya u qalma zxpaw mxa yelay zanadihi u danbeyay cida ku guleysata chapionka aya ku gulyzannaysay

  3. VIRGIL VAN DIJK ayaan u maleynaa sababtoo waa xidigii premier league of the year qaatay habka ow u soo iftimiyay liverpool iyo Holland asagaa iila qalma fikirkeyga. Mahadsanid

    • Waxaan rajeenayaa in uu ku guu laysto Messi asaga ayaa uqalma wxuu ka caawiyay koxdiisa horyaalka Spain inuu final geeyay Copa delrey inuu Sami finalka UCL ka keenay iyadoo Barca ka maqneed 3 sano inay timaado Sami final dhinaca kale wxuu ku guulaystay goal ugu quruxda bdna UCLka , wxuu ku guulaystay gool dhalinta laliga iyo waliba tan yurub wxuu kaloo ku guulaystay gool dhalinta UCL ka markii 7 aad

  4. Shakhsiyyan haddii la yidhaahdo messi waa kan ugu goolasha badan uefa iyo kan ugu goolasha badan europe waa kan ugu caawinta badan europe waa kan ugu caawinta badan uefaha
    misana waa kan ugu goolasha badan spain waa kan ugu caawinta badan spain
    Haddii dhab laga hadlayo messi baa uqalma sey ila tahay

  5. virgil van dijk aya uqalmo sabtuna waa chanpions league iyo super cup iyo horyalada yurun oo uu final ka tagay

  6. MgacayGU waa cumar hadii lagu qiimaynayo wax qabadka uu laacibku soo sameeyay xilii ciyaareedkaa wxan siin lahaa messi lkn hadii Cup ka uu kula guulaysty Naadigiisa wxaan siin lAHaa Vandijk

  7. Asc magacygu waa maxamad cabdullahi kuna magac dheer mc
    Hadan ka dhiibto fikirkeyga waxaa uqalmo Lionel messi sababtoo eh asaga sanadkaan dhan kooxda ku tiirsaneyd sideybo awalbo mane iyo van ay shegeynbo mahadsanidin bahda gool24

  8. Waxa u qalma L.Messi oo ah shaqsiga kaligii wax qabsaday gool dhalinta layaabka leh ee uu horyalka iyo ta yuruba ku qaaday lakin ragan kaliya waxay hanteen kobab sida Ronldo oo kale laaki van dijk waa difaaca premar leag iyo uruba ugu adag lakin hadan xirfada messi oo kale ma laha waa sabata messi uu ugu qalmo xidiga dunida 2019 ilaa 2020

  9. magcygu waa axmed hadaan odhaahdeyda ka dhiibto lionel andre messi waa kan u qalma maxaa yeelay waxa uu run ahaaantii soo bandhigey qaab ciyaareed cajiiba xilli ciyaareed cajiiba waanay adag tahay in la helo nin isaga oo kale waan aragnaa goolashiisha caawintiisa qaab ciyaareedkiisa joogtada ah iyo sida ay kooxdu ugu tiirsan tahy

  10. Magaceyga waa ibraahim caruuz hadii aan ka dhiibto fikirkeyga waxaa u qalmo c. Ronaldo waxaa uu ahaay mid so weyn u muujiye dadal asaga oo ay da’diisu tahay 34 sano waxane uu ku guuleystay qalbiga Kooxda Juventus waxane uu sameeye is badal kooxeed wax saameyn ahna kuma yeelan marka was u qalmaa CR7

Comments are closed.