Diyaar Garowga Liverpool Oo Caawa Bilaamaya, Labada Shaxood Ee Jurgen Klopp Ku Shaqayn Doono Iyo Liiska Ciyaartoyda Uu Reds Ku Hayso.

Lix todobaad ka hor waxay Liverpool ku soo guulaystay koobka UEFA Champions League ee kulankii Estadio Wanda Metropolitano ay ugu awooda sheegteen Tottenham, waxayna caawa kulankooda ugu horeeya ee diyaar garowga xili ciyaareedka cusub ka bilaaban doonaan Prenton Park halkaas oo ay ku wajahayaan kooxda Tranmere Rovers.

Xidhiidhka Liverpool iyo kooxda Tranmere Rovers ayaa ah mid fiican waxayna markale wada ciyaari doonaan kulanka ugu horeeya ee xagaaga laakiin Klopp waxaa haysata dhibaato dhinaca xulashada ciyaartoyda ah.

Liverpool waxaa saamayn toos ah ku yeeshay tartamadii UEFA Nations League, Copa America iyo waliba koobka qaramada Afrika oo aan isagu wali dhamaan.

Jurgen Klopp waxa uu caawa kulanka saaxiibtinimo ee Tranmere Rovers uu ku soo shirtagi doonaa goolhaye aan wax aqoon badan ah loo lahayn kaas oo ah  Jaros ama Ojrzynski.

Klopp ayaa sidii looga bartay waxa uu adeegsan doonaa laba shaxood oo uu ciyaartoydiisa u kala qaybin doono labada qaybood ee ay ciyaartu ka kooban tahay.

Liverpool waxaan kulankooda ugu horeeya ee diyaar garowga xili ciyaareedka cusub ku jiri doonin inta ugu badan xidigihii muhiimka ahaa ee shaxda Reds ku soo bilaabanayay.

Marka laga yimaado Fabinho, Milner, Matip0p, Gomez, Lovern iyo Origi, dhamaan ciyaartoyda kale ee uu Klopp haystaa waa kuwo aan xili ciyaareedkii la soo dhaafay saamayn soo yeelan.

Ugu horayn aan idiin soo gudbiyo liiska ciyaartoyda uu caawa Jurgen Klopp kala hortagi doono kulanka ugu horeeya ee Tranmere Rovers. Halkan yaanad kaga bogan kartaa.

Goolhayayaasha: Jaros, Ojrzynski

Difaaca: Matip, Gomez, Lovren, Van den Berg, Phillips, Johnston, Clyne, Hoever, Lewis, Arroyo, Larouci

Khadka Dhexe: Fabinho, Milner, Oxlade-Chamberlain, Lallana, Jones, Woodburn, Sharif, Ejaria

Weerarka: Origi, Brewster, Glatzel, Duncan, Wilson, Kent

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa caawa markii ugu horaysay arki doona kooxdooda oo garoon kubbada cagta ah soo galaysa tan iyo wixii ka danbeeyay guushii Tottenham ee finalkii Champions league.

Ciyaartoyda sida gaarka ah loo daawan doono caawa waxaa ka mid ah da’yarka Brewster, Kent, Chamberlain, Woodburn, wiilka Soomaaliyeed ee Abdi Sharif oo dhawaan heshiis cusub saxiixay, Ejaria balse waxaa inta ugu badan la sugayaa in la arko saxiixa cusub ee Van Den Berg.

Shaxda Uu Klopp qaybta hore ee ciyaarta Ku Soo Gali Karo

Shaxda Kowaad ee LiverpoolXI: Jaros; Clyne, Matip, Van den Berg, Arroyo; Fabinho, Oxlade-Chamberlain, Jones; Wilson, Kent, Brewster

Shaxda Uu Klopp qaybta Labaad ee ciyaarta Ku Soo Gali Karo

Shaxda Labaad ee Liverpool XI: Ojrzynski; Hoever, Gomez, Phillips, Lewis; Milner, Sharif, Woodburn; Lallana, Larouci, Glatzel

Waqtiga Ciyaartu Soo Galayso: 9:30 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika