Dimitar Berbatov Oo Saadaaliyay Xidiga Ku Guulaysan Doona Abaal Marinta Gool Dhalinta Premier league Ee Golden Boot Iyo Jamaahiirta Liverpool & Man City Oo Aan Jeclaysan Doonin.

Jimcaha waxaa si rasmi ah u furmi doona xili ciyaareedka cusub ee Premier league ee 2018/19 iyada oo lagu daah furi doono kulanka Old Trafford ku dhex mari doona kooxaha Manchester United iyo Liecester City waxaana ka hor furitaanka Premier league saadaal ka bixiyay xidigaha ku guulaysan doona abaal marinta gool dhalinta Premier league ciyaartoygii hore ee kooxda Man United ee Dimitar Berbatov.

Laakiin Dimitar Berbatov ayaan soo hadal qaadin xidigo muhiim ah oo tartanka gool dhalinta Premier league la filayo in ay si xoogan ugu tartami karaan wuxuuna ku soo koobay in ay u dhexayso saddex ciyaartoy oo laba ka mid ahi ay ka tirsan yihiin kooxihiisii  hore ee Manchester United iyo Tottenham.

Dimitar Berbatov ayaa aaminsan in xili ciyaareedka cusub uu Harry Kan ku guulaysan doono abaal marinta kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier league wuxuuna ku dooday in Romelu Lukaku iyo Aubameyang ay yihiin labada xidig ee kula tartami kara.

Dimitar Berbatov ayaan aaminsanayn in Mohamed Salah oo 32 gool xili ciyaareedkii hore ugu soo guulaystay kabta dahabka ah aanu xili ciyaareedkan ku guulaysan karin halka sidoo kale aanu soo qaadin Sergio Aguero oo ka mid ah gool dhaliyaasha ugu fiican Premieer League.

Dimitar Berbatov oo la hadlayay Betfair ayaa yidhi: ” Waxaan filayaa in gool dhaliyaha ugu sareeya ee Premier league uu noqon doono Harry Kane. Waa go’aan adag, sidoo kale waxaa jira Aubameyang, sababtoo ah waxa uu horyaalka ku soo qaatay xili ciyaareedkii ugu horeeyay oo adag wuxuuna doonayaa in uu xili ciyaareedkiisa labaad ku sii dul dhiso ee uu la joogo tababaraha cusub”.

Dimitar Berbatov oo sidoo kale tartanka gool dhalinta premier league ku soo daraya Romelu Lukaku oo kooxdiisii hore ee Man United ka tirsan ayaa yidhi: ” Waxaa jooga Romelu Lukaku kaas oo si fiican bandhig uga soo sameeyay koobka aduunka”.

Dimitar Berbatov oo Harry Kane, Aubameyang iyo Lukaku tartanka si buuxda ugu soo koobaya isla markaana sii kala go’aaminaya ayaa yidhi: “Saddexdan midkood waxaa waajib igu ah in aan sheego Kane. Waxa uu soo qaatay taratankii koobka aduunka oo wayn, waxa uu xataa ka sii heli karaa kalsooni badan oo naftiisa ah, waxyaabahani gool dhaliyaasha way caawiyaan”.

Laakiin saadaasha Dimitar Berbatov ayayna soo dhawaynayn jamaahiirta kooxaha Liverpool iyo Manchester City kuwaas oo aaminsan in Mohamed Salah iyo Sergio Aguero ay markale noqon doonaan tartamayaasha kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier league.