Difaacyadii Ugu Adkaa, Gool Dhaliyaasha Isaga Ay Ismtalaan, Talada Uu Lionel Messi Siinayo Iyo Halyaygii Xulka Qaranka Argentina Ee Gabriel Batistuta Oo Waxyaabo Badan Ka Hadlay.

Halayaygii hore ee xulka qaranka Argentina ee Gabriel Batistuta oo waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya bixiiyay ayaa ka hadlay arimo kubbada cagta iyo xulka qarankiisa Argentina la xidhiidha. Gabriel Batistuta ayaa ciyaaraha ka fadhiistay sanadkii 2005 kii isaga oo ka mid ahaa gool dhaliyaashii kubbada cagta soo maray kuwii ugu fiicnaa wuxuuna dhawaan waayay rekoodhkii gool dhalinta ee uu Xulka qarankiisa Argentina ku haysta oo uu Messi jabiyay.

Gabriel Batistuta ayaa wax laga waydiiyay difaacyadii ugu adkaa, gool dhaliyaasha hadda ciyaara ee uu u arko in ay isaga matalaan laakiin Gabriel Batistuta ayaa si wayn uga hadlay Lionel Messi isaga oo talo ugu soo jeediyay in aanu koobka aduunka tagin isaga oo ka fikiraya in uu noqon doono kii ugu danbeeyay.

Gabriel Batistuta ayaa la waydiiyay:  Ciyaartoydee adiga kula mid ah? wuxuuna ku jawaabay: “Cavani, Luis Suarez, Higuain, Icardi…. waxaa jira dhawr aad aniga iila mid ah”.

Waxaana halyayga ree Argentina ee Gabriel Batistuta la sii waydiiyay difaacyadii waqtigiisii ugu fiicnaa wuxuuna ku jawaabay: “Baresi, Nesta, Maldini, Chamot, Vierchowod… Waxaan filayaa in ay adkayd in kuwaas la dhaafaa marka la barbar dhigo ciyaartoyda maanta. Waxaan jecelahay Sergio Ramos, Fazio,, Ciodin, Mascherano, Pique iyo Varane”.

Intaa kadib Bastistuta ayaa wax laga waydiiyay sababta ayna Lionel Messi wax ugu shaqayn xulka qarankiisa Argentina si la mid ah Barcelona wuxuuna yidhi: “Aas aas ahaan, Barcelona waxay la qabsatay qaabka uu isagu u ciyaaro. Waxaa tagay Ronaldinho, Xavi, Neymar isla markaana kuwa kale ayaa yimid, laakiin waxba ismay badalin, waxaana la mid ah tababarayaasha waxayna dhamaantood raadiyaan in ay isaga kooxda ugu fiican ku ciyaarsiiyaan”.

Gabriel Batistuta oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: ” Isla mar ahaantaa wax sahlan ma aha in aad la ciyaarto Brazil iyo Germany sida marka aad wajahayso Eibar.Wax waliba wuu ka adag yahay kooxda qaranka”.

Gabriel Batistuta ayaa la waydiiyay waxa uu Lionel Messi u soo jeedinayo ka hor koobka aduunka ee Russia sanadka cusub ka furmi doona wuxuuna yidhi: “Waxaan sheegi lahaa in haddii aanu dhaawacmin uu ciyaari karo koobka aduunka ee Qatar, sidaa daraadeed ma jirto sabab loo niyadjabaa”.

Ugu danbayn Gabriel Batistuta ayaa la waydiiyay in Messi uu dhaafay rekoodhkiisii 56 ka gool ahaa ee uu qaranka Argentina ku haystay wuxuuna yidhi: ” Anigu ma jecli in aan lumiyo waxa aniga ii ahaa sharafta laakiin mid aduunyo kale ka yimid sida Messi uu dhaafay, waxay igaga tagtay in aan iska raaxaysto”.