Difaacii Kooxaha Yurub U Waalanayeen Ee Matthijs de Ligt Oo Eedayn Culus Kula Kulmaya Xaalada Xun Ee Uu Juventus Kaga Jiro.

Difaaca xulka Netherlands iyo kooxda Juventus ee Matthijs de Ligt ayaa eedayn badan kula kulmaya xaalada xun ee uu ugu bilawday kooxdiisa cusub ee Juve kadib markii uu lacag aad qaali u ah ugu soo wareegay Turin.

Matthijs de Ligt ayaa xagaagan oo dhan lala xidhiidhinayay kooxaha Yurub ugu waa wayn laakiin ugu danbayn Juventus ayaa lacag 75 milyan yuro ah ku kharash garaysay si ay kooxihii Yurub ee doonayay ugu garaacdo.

Laakiin warbaahinta Talyaaniga ayaa eedayn u soo jeedinaysa saxiixa cusub ee Matthijs de Ligt kadib markii ay kooxda Juventus noqotay koox si sahlan goolal looga soo dhalinayay shantii kulan ee u De Ligt ciyaaray.

SIDOO KALE AKHRISO:  Ma I Daawanaysaan Man United - Romelu Lukaku Oo AFARLEY Goolal Ah Ka Dhaliyay Kulankiisii Ugu Horreeyay Ee Inter Milan.

Ugu horayn Matthijs de Ligt ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee Juventus waxa uu iska dhaliyay gool kaas oo markiiba u muuqday in uu dareenka kubbada cagta ku soo jeedinayo difaac si wayn ay koox kasta oo Yurub ahi ugu han waynayd.

Laakiin shantii kulan ee uu Matthijs de Ligt u soo saftay kooxdiisa Juventus waxaa laga soo dhaliyay 9 gool waana goolal ka badan intii looga bartay in difaaca kooxda Juventus kulamadan oo kale looga dhaliyo.

Inkasta oo aanu Matthijs de Ligt wada lahayn eedaynta loo soo jeediyay maadaama oo uu 143 daqiiqo oo kaliya ka soo ciyaaray shanta kulan ee sagaalka gool looga soo dhaliyay Juventus, haddana waxa uu qayb ka ahaa dhibaatada kooxda Maurzio Sarri soo haysatay.

SIDOO KALE AKHRISO:  MURUGO: Waa Kuwee Shaqsiyaadkii Ay Jamaahiirta Chelsea Ku Karbaasheen Baraha Bulshada Ee Kadib Barbarihii Leicester City?

Kulankii Juventus ay guuldarada kala kulantay kooxda Atletico Madrid waxa uu De Ligt dhibaato kala kulmay da’yarka Joao Felix kaas oo xaalad adag ku abuuray difaaca kooxda Juventus.

Laakiin Matthijs de Ligt ayaa hadda la kulmaya dhibaatada ay leedahay lacagta badan ee ciyaartoyda lagula soo wareegaa iyada oo indhaha warbaahinta Talyaanigu ay si gaar ah u qiimaynayaan waxa uu kooxda ku soo kordhinayo iyo dhibaatada uu qaybta ka yahay.

Ma aha wax cusub in xidigaha qaaliga ah ay warbaahintu si gaar ah u eedayso marka ayna si fiican u shaqaynayn, waxayna hadda u muuqataa in Matthijs de Ligt uu marayo xaalad aan fiicnayn oo ay tahay in uu ka soo dhex baxo.

SIDOO KALE AKHRISO:  CAJIIB: Tababare Zidane Oo Dajiyay Qorshaha Uu Napoli Kaga Doonayo Kalidou Koulibaly & Man United Oo Si Fudud Qorshahiisa Ku Kala Kicin Karta!! - Qaab Noocee Ah?

Si kastaba ha ahaatee,Juventus oo si wayn isku hubaysay xagaagan ayaan wali u muuqan in ay si buuxda iskula haystaan maadaama oo uu jiro isbadal dhinaca tababaraha iyo ciyaartoyda ahi.