Difaaca Reer Talyaani Ee Leonardo Bonucci Oo Ka Warbixiyay Sida Uu Ugu Faraxsan Yahay In Cristinao Ronldo Ay Saaxiibo Ku Noqdaan Kooxda Juventus.

Difaaca reer talyaani ee Leonardo Bonucci ayaa wuxuu sheegay kadib mudo sanad ah uu kusoo qaatay kooxda AC Milan, inuu si weyn ugu faraxsan yahay in markale uu dib ugu soo laabto safka Bianconeri.

Leonardo Bonucci oo maanta shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu kaga hadlay dhowr arimood wuxuuna ugu horeyn sheegay: “Ka hor inta aanan dib ugu soo laaban kooxda Juventus, waxaan arkay koox weyn oo ay ku sugan yihiin ciyaartoy heer sare ah, sida ay horey u ahayd”.

Difaaca reer Talyaani ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Juventus mar walba waxay u guuleysataa sababa la xiriira nidaamkeeda wanaagsan, waan ku faraxsanahay inaan ku soo laabto oo aan markale la midoobo saaxiibadey hore ee kooxda iyo kuwa cusub”.

Bonucci ayaa intaas kadib ka hadlay xidhiidhka kala dhexeeya macalinka kooxda Juventus wuxuuna yidhi: “Xidhiidhka aan la leeyahay Massimiliano Allegri waa mid aad u wanaagsan, waxaan kala tagnay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, laakiin waxaan markale isugu soo laabanay si aan gacmaha is dhaafsano”.

Leonardo Bonucci ayaa wuxuu intaas kadib ka hadlay carada jamaahiirta wuxuuna yidhi: “Waan fahansanahay jamaahiirta, waana ixtiraamayaa, waxaan soo dhaweenayaa qeyladooda, aniga ayayna igu xiran tahay si aan badalo”.

Bonucci ayaa sidoo kale ka hadlay imaatinka Cristinao Ronldo ee kooxda Juventus wuxuuna yidhi: “Imaatinka Cristinao Ronldo   ee kooxda Juventus, waxay ina siin doontaa dhiiro galin xoogan, markan hadii aan kahor imaano Real Madrid ma guuldareysan doono, waxay ii tahay sharaf inaan tababar la qaato ciyaartoy isaga la mid ah”.

Leonardo Bonucci ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Ujeedkeena waa inaan xili ciyaareed soo aadan gaarnaa finalka Champions League-ga, isla markaana aan ku guuleysano”.