Difaaca Liverpool Ee Dejan Lovren Oo Weerar Ku Qaaday Kooxaha Reer Manchester, Kadib Markii Ay Reds Gaadhay Finalka UEFA Champions League.

Daafaca Liverpool ee Dejan Lovren ayaa wuxuu amaanay kooxdiisa  Reds, kadib markii ay ku guuleysteen xili ciyaareedkan in ay gaaraan finalka tartanka Champions League, isagoo sheegay in guusha aan lagu iibsan Karin lacagta.

Liverpool ayaa kula ciyaari doonta finalka Champions League ee 26 bishan May ka dhici doono magaalada Kiev ee caasimada dalka Ukraine, dhigeeda Real Madrid oo tartankan kusoo guuleysatay labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay, isla markaana markii saddexaad xidhiidh ah soo gaadhay finalka Champions League.

Dejan Lovren ayaa wuxuu u sheegay wargeyska “Daily Star” ee dalka Spain wuxuuna yiri: “Waxaa jira kooxo badan oo lacag badan ku qarash gareynaya, si ay u soo iibsadaan xidigo waaweyn ee ku sugan aduunka dacaladiisa, laakiin arinta kuma xidhna lacag, waxay ku xidhan tahay asxaabtaada kooxdaada, fahamka, isdhexgalka iyo wada ciyaarista si wadajir ah”.

Laakiin wargeyska reer England ayaa wuxuu hadalka kasoo yeeray Dejan Lovren wuxuu ku tilmaamay mid ku socda isla markaana uu si mal dahan ugu jees jeesayo kooxaha reer Manchester ee United iyo City.

28 jirkan ayaa wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyay: “Waxaan heysanaa koox awood u leh inay kahor timaado koox kasta ee aduunka ah, waxaan sidaas ku soo bandhigay tartanka Champions League”.

Dejan Lovren ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxaan heysan doonaa nasasho, diyaarna waan u noqon doonaa finalka, waxa ugu muhimsan ayaa ahayd inaan garaacno Brighton, waxaana u soo baxnay Champions League waana midaan u qalanay in sidaas aan sameyno”.