Didier Drogba Oo Fariin U Diray Kooxdiisii Hore Ee Chelsea Kadib Guuldaradii Kasoo Gaadhay Dhigeeda Roma Ee Kulankii Champions League-ga Iyo Micnaha Ay Fariintiisu Xambaarsan Tahay.

Weeraryahankii hore ee xulka qaranka Ivory Coast iyo kooxda Chelsea Didier Drogba ayaa wuxuu fariin la wadaagay saaxiibadiis hore ee kooxda Blues kadib guuldaradii 3-0 ahayd ee ka soo gaadhay kulankii Champions League-ga ay kooxda Roma  xalay ku booqdeen Stadio Olimpico.

AS Roma ayaa guuldaro waji gabax ah soo baday kooxda Antonio Conte ee Chelsea. Kooxda koobka horyaalka Premier leaque difaacanaysa ee Chelsea ayaa ceeb kala soo laabtay caasimada Talyaaniga ee Rome kadib markii ay kusoo xasuuqeen 3-0, xili sidoo kale guuldarada Chelsea soo gaadhay ay keentay in Roma ay hogaanka Group C la wareegto.

Halyeeygii Chelsea ayaa ku booriyay ciyaartoyda Blues inaysan gadaal u fiirin guuldaradii kasoo gaadhay kooxda ree Talyaani ee Roma, wuxuuna carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in madaxooda sare u qaadaan, si kooxda ay u gaadhsiiyaan guulal muhiim ah kulamada soo aadan.

Dhiira galinta Didier Drogba ayaa waxay timid kadib markii ay ciyaartoyada kooxda Chelsea ka gaabsadeen inay kasoo muuqdaan saxaafada iyo baraha bulshada inteeda kale, mana jira xidig ka hadlay kadib guuldaradii Roma.

Xidigii hore ree ree Ivory Coast ayaa wuxuu yidhi: “Ma jirto meel si sahlan aad guul kala soo laaban karto, natiijada kulanka maysan ahayn mid la filayay, hadii aynu nahay Chelsea waxaa waajib ah inaan sare u qaadno madaxyadeena, laakiin qaab ciyaareedka Roma isbuucyadii lasoo dhaafay markaad eegto ma uusan ahayn mid kadis ah, waxay ku jirtaa xiliyo wanaagsan”.

Chelsea ayaa axada soo dhawayn doonta kooxda Manchester United waana kulan uu Antonio Conte u baahan yahay in uu dib ugu soo celin karo kalsoonida ciyaartoyda kooxdiisa ee hoos u dhacday. Conte ayaa kadib kulankii Roma sheegay in waxwalba ay kooxdiisa ka qaldanaayeen.

Comments

comments