Di María Oo Ku Dooday In Xulka Argantina Uu Ka Mid Yahay Xulalka U Sharaxan Ku Guuleysiga Koobka Aduunka Sababa La Xidhiidha Xidiga Kooxda Barcelona Ee Lionel Messi.

Xidiga reer Argantina iyo kooxda Paris Saint-Germain Ángel Di María ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu xili kasta jecel yahay ka garab ciyaarista xidiga kooxda Barcelona ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Lionel Messi, isagoo qarsan kari waayay inuu jeclaan lahaa in maalin uun ay ka wada ciyaaraan hal koox.

29 jirkan reer Argantina ayaa wuxuu ku dhawaaday inuu ku biiro kooxda Barcelona si uu ugu garab ciyaaro Lionel Messi xili ciyaareedkan, balse Paris Saint-Germain ayaa waxay si xoogan kaga soo hor jeesatay inay iska fasaxdo laacibkii hore kooxda Real Madrid.

Ángel Di María oo arintan kaga warbixinayay saxaafada ayaa wuxuu yidhi: “Waxaan u sharaxanahay ku guuleysiga koobka aduunka sanada 2018, sababtoo ah waxaan heysanaa Lionel Messi, hadii uusan qeyb ka ahaan laheen xulka Argantina waa hubaal inay nagu adkaan lahayd inaan gaadhno heerka aan haatan joogno”.

Xidiga kooxda PSG ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: “Waxaan jeclahay inaan xili kasta ka garab ciyaaro Lionel Messi, sababtoo ah waa kan ugu wanaagsan taariikhda kubada cagta muran la’aan, mararka qaar waxaa suuragal ah inuusan nagula sugneen kulamada uu xulka ciyaarayo, waxaan dhamaantayada isku daynaa sida aan ku buuxin laheen booskiisa, taasi waxay muujineysaa sida ay u adag tahay in Messi uu ka maqnaado xulkiisa”.

Si kastaba Ángel Di María ayaa qirtay inuu doonayo in Lionel Messi uu maalin uun ay ka wada ciyaaraan hal koox, inkastoo uu ku adkeysano xidiga kooxda PSG in kubada cagta uu kaga fariisanayo kooxdiisa uu kaga soo bilaawday kubada cagta ee Rosario Central.