DHIRBAAXO: Xulka Qaranka Brazil Oo Dhibaato Dhexda Ka Galay & Xiddig Muhiim Ka Ah Shaxda Tababare Tite Oo Seegaya Final-ka Copa America.

Xulka qaranka Brazil ayaa dhirbaaxo la kulmaya kahor Final-ka tartanka Copa America ee ay Axada la balansan yihiin dhigooda Peru waxaana hubaanti ah inuu kulankaas dhaawac ku seegi doono Willian Borges oo xubin muhiim ah kasoo ahaa safka Tite.

Willian ayuu dhaawaca gaadhay yahay mid muruq ah waxaana uu dhibaatada la kulmay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulankii ka qabsoomay Belo Horizonte isla markaana ay 2-0 kaga soo adkaadeen Argentina.

Willian ayaa kulankaas ahaa mid bedel kusoo galay isagoo sidoo kale inta badan kulamadii ka horreeyay bedel soo ahaa balse nooca khibrada uu u leeyahay kulamada Brazil iyo Final-ka dalkiisa kusoo wajahan ayaa maqnaanshihiisa dhibaato ka dhigaya.

30 jirkan ayaan marka horeba wicitaan toos ah ka helin tababaraha Brazil ee Tite balse gadaal ayaa laga soo daray liiska kaddib markii la xaqiijiyay dhaawacii Neymar JR oo maalmo kahor tartankan dhaawac gaadhay.

Willian ayaa si sahlan usoo marin wadada uu ku helay wicitaanka Tite balse waxa uu kasoo dhex baxay isku shaandhayn uu la galay xiddigaha kala ah Vinicius JR, Lucas Moura iyo xiddigo kale oo dhawr ah.

Haatan, Selecao ayaa raadinaya koobkoodii sagaalaad ee Copa America ah iyo midkoodii ugu horreeyay ee tan iyo 2007 iyagoo Willian la’aan ah sida ay xaqiijiyeen xidhiidhka kubadda cagta dalkaas ee CBF.

Kulanka Axada oo ka qabsoomi doona gegida caanka ah ee Maracana iyo magaalada Rio de Janiero ayay Brazil kalsooni weyn ku gali doontaa maadaama oo Peru oo ay la balansan yihiin ay horeba wareegii Group-yada 5-0 kaga soo adkaadeen.

Brazil's Willian ruled out of Copa America final