Dhibaato Kale!! – Xiddig Ay Arsenal Haatan Baahi Weyn U Qabto Oo Maamulka Kooxda U Sheegay Inay Dhagaystaan Dalabdka Kooxaha Isaga Doonaya.

Arsenal ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay dhibaato kusoo dhex jirtay kaddib natiijooyin aan wanaagsanayn oo xidhiidh ah oo ay lasoo kulmeen iyadoo cadaadis weyni uu fuulay tababaraha kooxda ee Unai Emery.

Gunners ayaa ka hadhay tartanka Carabao Cup oo ay Liverpool la ciyaareen waxaana intaas u dheer guuldarrooyin iyo bar-bardhacyo ay kala kulmeen tartamada Premier Leagueiyo Europe League.

Image result for Lucas Torriera"

Iyadoo ay xaaladaas adag kusoo jirtay kooxda waqooyiga London ayuu u muuqdaa mid kusii adkaynaya xaalada khadkeeda dhexe ee Lucas Torriera kaas oo ka codsaday inay maamulka kooxdu dhagaystaan dalabaadka laga soo gudbinayo.

Torreira ayaan marnaba si fiican u sal-dhigin guud ahaan England isaga oo u xiisay carrigii Talyaaniga ee uu kasoo tagay waxaana uu haatan si gaar ah isha ugu hayaa ku laabashada Serie A iyadoo AC Milan ay tahay kooxda ku raad-joogta.

Advertisements

Rabitaanka Torriera ee ka bixitaanka Arsenal ayaa ah mid xilli hore imanaya maadaama oo wali heshiiskiisa ay ka hadheen saddex sano iyo badh.

Wakhtigan ayaa ah midkii ay Gunners baahida ugu weyn u qabeen haysashada Torriera maadaama oo kooxda laga saaray kabtankii hore ee Granit Xhaka isla markaana uu isagu booskiisii khadka dhexe ka ciyaarayay kulamadii ugu dambeeyay oo dhan.

Advertisements