Dhibaatada Dhaawacyada Man United Oo Heer Xun Gaadhay & Mid Kamida Xiddigaha Laf-Dhabarta U Ah Xilli Ciyaareedkan Oo Xalay Dhaawac Gaadhay.

Advertisements

Dhibaatada dhaawacyada ee Manchester United ayaa noqday kuwo heerkoodu sii xumaaday kaddib markii kulankii xalay ee UEFA Europe League dhaawac looga saaray khadka dhexe ee Scott McTominay.

McTominay ayaa ah xiddiga booskii Paul Pogba usii galay kooxdiisa mudada uu dhawaca kaga maqan yahay 26 jirka ree France waxaana uu bandhig wanaagsan ka samaynayay khadka dhexe kulamadii uu kooxdiisa soo matalay xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Image

Da’yarkan oo xilli ciyaareedkan boos joogto ah ka helay shaxda tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa labadii bilood ee ugu dambeeyay soo noqday xiddigii bisha ee kooxdiisa taas oo caddayn buuxda u ah sida uu muhiim ugu yahay.

McTominay ayaa qaybtii dambe ee kulankii ay kooxdiisu guusha 3-0 ka ah ka gaadhay Partizan cadaadis xoogan kala kulmay mid kamida xiddigaha kooxda kasoo horjeeday isaga oo ku dhibtooday inuu kulanka sii wato.

Advertisements

Solskjaer oo aan doonayn inuu halis galiyo 22 sano jirkan ayaa ku bedelay Jesse Lingard daqiiqado kaddib balse lama hubo haddii uu taam buuxa u noqon doono kulanka Brighton ee Axada.

Ole ayaa kulanka kaddib sheegay in McTominay uu u sheegay inuu diyaar u noqon doono kulanka Axada balse isaga ayaa diiday inuu hubaanti ka dhigo inuu kulankaas diyaar u noqon doono xiddigiisu.

 

Advertisements