Dheeraad Ayaad Nagu Tahay – Real Madrid Oo Si Toos Ah Ugu Sheegtay Xiddig Kooxdeeda Ah Inuu Kooxdooda Dul-Saar Ku Yahay!!.

Sida laga soo xiganayo saxaafada kubadda cagta Spain, Maamulka kooxda Real Madrid ayaa u sheegay goolhayaha kooxdooda ee Keylor Navas inuu dheeraad ku yahay safka kooxdeeda oo aan wax baahi ah loo qabin.

Iyadoo uu Navas xilli ciyaareedkan booska goolhayaha lasoo qaybsaday Thibaut Courtois ayaa la filayaa in Courtois xilli ciyaareedka dambe si rasmi ah gacanta loogu geliyo booskaas Navas-na kooxda laga fasaxo.

Goolhayahan ayaa markii hore la filayay inuu kooxda sii joogi doono kaddib soo laabashada tababare Zinadine Zidane maadaama oo uu tababaraha ree France isaga door-bidayay tan iyo soo laabashadiisii kahor intuusan dhaawacu gaadhin.

Heshiiska uu haatan Navas kula joogo Real Madrid ayaa ah mid dhacaya dhammaadka 2020 sidaas darteed waxa la filayaa inay doonayaan inay iibiyaan xagaagan oo ay lacago ka sameeyaan si uusan xagaaga 2020 qaab xor ah uga bixin kooxda.

Navas ayaa kusoo raaxaystay shan sano oo koobab ah oo uu soo joogay Santiago Bernabeu waxaana uu mudadaas lasoo xaqiijistay saddex Champions League oo xidhiidh ah, Saddex European Supercup, Afar Club World Cup, Spanish Super Cup & Hal horyaal oo La Liga.

32 jirkan ayaa xilli ciyaareedkan kaliya 20 kulan usoo ciyaaray kooxdiisa waana in ka yar kala badhka kulamadii uu soo ciyaaray xilli ciyaareed kasta oo saddexdii xilli ciyaareed ee u dambeeyay ah.

Si kastaba ha ahaatee, Waayihii qurxoonaa ee Navas ayaa u muuqda kuwo soo dhammaaday waxaana uu Isniinta soo socota macasalaamayn karaa jamaahiirta kooxda kulanka ay la yeelanayaan kooxda Real Betis.