Dhaqaatiirta Real Madrid Oo La Yimid Hab Cusub Ay Ku Doonayaan Inay Ku Ilaaliyaan Dhaawacii Jabniinka Ahaa Ee Sergio Ramos Kasoo Gaadhay Sanka Kulankii Atletico Madrid.

Waaxda caafimaadka ee kooxda Real Madrid ayaa go’aansatay inay u adeegsato dhaawacii jabniinka ahaa ee dhawaan kasoo gaadhay kabtanka kooxda Sergio Ramos koofiyad, si uu u awoodo dib  ugu soo laabashada sida ugu dhaqasida badan kulamada soo aadan ay ciyaari doonto Los Blancos.

Wargeyska Isbaanishka ah ee “Marca” isla markaana si aad ah ugu dhaw kooxda Real Madrid ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Sergio Ramos uu xidhan doono koofiyad loogu tala galay in lagu ilaaliyo dhaawaca uu ka qabo dhanka sanka, kadib markii uu jabniin kasoo gaadhay kulankii ay la ciyaarayeen Atletico Madrid.

Koofiyada ay doonayaan Waaxda caafimaadka ee kooxda Real Madrid inuu xidho Sergio Ramos ayaa sida caadiga ah loo adeegsadaa tartanka Formula 1, taasoo muuqaal keedu uu u muuqdo inay culus tahay, laakiin aad fudud isla markaana ah noocii ugu dambeeyay, taasoo ka dhigeysa mid kabtanka kooxda Real Madrid uu u adeegsan karo marka uu ku gudu jiro kulamada uu kaga soo muuqan doono kooxda Los Blancos.

Inkastoo kulanka Sabtida ay kula ciyaari doonaan horyaalka La Liga kooxda Malaga ay suurtagal tahay inuu kasoo muuqdo, laakiin wargeyska “Marca” ayaa xaqiijiyay in Ramos ay u badan tahay inuu dib u soo laabto kulanka at Real Madrid booqan doonto Athletico Bilbao 2 bisha December.

Waxaa xusid mudan koofidan ay doonayaan waaxda caafimaadka Real Madrid inay ku ilaaliyaan dhaawaca Ramos uu horey usoo isticmaalay laacibka ree Croatia iyo kooxda Juventus Mario Mandžukić, si uu ugu ilaaliyo wajigiisa sanadii 2014, xiligaas uu ka tirsanaa safka kooxda ree Spain ee Atletico Madrid.