DHAQAALE: Real Madrid, Barcelona Mise Atletico Madrid, Kooxdee Mushaharka Ugu Badan Bixisa Saddexda Quwadood Ee La Liga, Miyay Barca Garaacday Kooxaha Madrid?

Kooxaha kala ah Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa si aan gabasho lahayn u ah saddexda kooxood ee ugu fiican guud ahaan horyaalka Premier League haddii ay noqoto dhinacyada dhaqaalaha iyo ciyaar wanaagaba.

Atletico ayaa maalinta berrito ah haysata fursada ay kusii hurinayso tartanka horyaalka La Liga marka ay soo dhawaynayso kooxda Barcelona kulan ka dhici doona gegida Wanda Metropolitano.

Atletico ayaa sanadihii ugu dambeeyay ahayd kooxda saddexaad ee Spain iyaga oo inbadan ka fiican kooxaha kale ee horyaalka balse wali kahoos bixi la’ hooska kooxaha Real iyo Barca.

Haddaba, Waxaan halkan idiinku soo bandhigi doonaa mushaharka ay kooxahan saddexda ahi ku bixiyaan xiddigahooda sanadkii iyadoo ay mushahar bixinta Atletico kor u kac samaysay kaddib heshiiska cusub ee Antoine Greizmann iyo kooxda oo saxeexyo dhawr ah samaysay.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Kooxda Arsenal Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Dhamaystirka Difaacii Chelsea Ee David Luiz Iyo Lambarka Uu Qaatay Oo La Shaaciyay.

Kooxda tababare Diego Simeone ayaa hore mushahar ahaan u bixin jirtay €237m sanadkii balse kaddib kor u kac ay samaysay waxa ay haatan gaadhsiisay €293m waana qadar aad u badan marka loo eego koox joogto heerka dhaqaale ee Rojiblancos.

Marka laga yimaado Atletico, Real Madrid ayaa bixisa aduun dhan €566m sida laga helayo xogta horyaalka La Liga balse waxa baro dhaafisay Barcelona oo sanadkii xiddigaheeda jeebka ugu shubta mushahar guud ahaaned oo dhan €632m.