Dhakhtarka Xulka Qaranka Argentina Ee Donato Villani Oo Ka Warbixiyay Sababtii Uu Sergio Aguero Ugu Dhex Suuxay Qolka Labiska Iyo Man City Oo Xaalada Aguero Ka Hadashay.

Xidiga xulka qaranka Argentina iyo kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa sidii aanu hore idiinku soo gudbinay waxa uu ku dhex suuqay qolka labiska xulka qarankiisa intii lagu jiray waqtigii nasashada ee kulankii saaxiibtinimo ee ay Argentina la ciyaartay Nigeria waxaana markiiba loola orday cisbitaal ku yaaal magaalada ay ciyaartani ka dhacaysay ee  Krasnodar.

Haddaba dhakhtarka xulka qaranka Argentina ee Donato Villani ayaa saxaafada uga warbixiyay sababta xanuunkii keenay in Sergio Aguero uu miyir daboolmay ee uu qolka labiska ugu dhex suuxay iyo waliba sida ay xaaladiisu hadda tahay. Dhinaca kale Manchester City ayaa warbixin ka soo saartay xaaladii ugu danbaysay ee xidiga kooxdeeda iyo haddii uu dib ugu soo laaban karo Manchester.

Dhakhtarka xulka qaranka Argentina ee Donato Villani ayaa cadeeyay in markii ugu horaysay ayna ahayn in Sergio Aguero uu suuxo wuxuuna cadeeyay in markii uu 15 sano jirka ahaa uu maray qaliin dhinaca wadnaha ah isla markaana uu laba jeer oo hore sidan u soo miyir daboolmay laakiin waxa uu cadeeyay in isla intii aan garoonka laga qaadin uu miyirkiisu soo laabtay balse cisbitaalka loo dhigay si xaaladiisa loo xaqiijiyo.

Donato Villani ayaa yidhi: “Laba jeer ayuu xumaan dareemay isla markaana taariikhda caafimaad ee uu leeyahay, maadaama oo isaga qaliin lagu sameeyay markii uu 15 sano jirka ahaa, waxaanu doonaynay in aanu xaqiijino in ayna waxba dhicin. Waxaanu isaga u qaadnay cisbitaalka si aanu wax walba ugu hubsano in ay caadi yihiin, waxaanu door bidnay in aanu sugno si aanu u xaqiijino”.

Manchester City ayaa sidoo kale warbixintii ugu danbaysay ee xaalada Sergio Aguero war ka soo saartay waxayna jamaahiirta kooxdeeda u sheegeen war fiican waxaana qoraalka City lagu yidhi: ” Sergio Aguero waxay dhakhaatiirtu u cadeeyeen in uu Manchester ugu soo laaban doono sidii uu qorshuhu haa kadib markii ay dhibto soo gaadhay intii lagu jiray guuldaradii 4-2 ahayd ee Argentina ka soo gaadhay Nigeria ee maanta ka dhacday Krasnodar”.

Manchester City ayaa rajaynaysa in xaalada Sergio Aguero ay caadi ku soo noqon doonto isla markaana uu diyaar u noqon doono kulanka Premier Leaque ee ay kooxda Guardiola isku diyaarinayso.

Comments

comments