Dhakhtarka Xulka Brazil Ee Rodrigo Lasmar Oo War Hordhac Ah Kasoo Saaray Dhaawaca Neymar JR & Jamaahiirta PSG Iyo Liverpool Oo Xog Cusub Ka Helay.

Dhakhtarka xulka qaranka Brazil ee Rodrigo Lasmar ayaa ku dhawaaqay war u muuqda mid ay inbadan u dhagtaagayeen jamaahiirta kooxda xiddigan ee Paris Saint-Germain sidoo kalena muhiim u ah kuwa Liverpool.

Neymar JR ayaa dhibane u noqday dhaawac kasoo gaadhay gumaarka lugta midig waxaana daqiiqadii 8-aad ee kulankii ay guusha ka gaadheen xulka Cameroon laga saaray gegida maadaama oo uu sii wadan kari waayay kulanka.

Neymar injury not serious, says doctor. Goal

Haddaba, Kahor kulanka toddobaadka dambe ee ay Paris qaabili doonto dhigeeda Liverpool, Dr Lasmar ayaa saxaafada la wadaagay natiijada qiimaynta hordhaca ah ee uu ku sameeyay dhaawaca soo gaadhay 26 jirkan iyo heerka ay halistiisu gaadhsiisantahay.

Lasmar ayaa sheegay inay qiimayn ku sameeyeen xiddigan markii uu tegay qolka labiska ee xulka Samba isla markaana uusan dhaawaciisu u muuqan mid halis ah balse uu ka cabanayo raaxo la’aan uu ka dareemayo gumaarka midig.

Dhakhtarka ayaa yidhi “Neymar waxa uu ka cabanayay raaxo la’aan agagaarka gumaarka midig ah, Waxa uu ka tagay garoonka, Waa la qiimeeyay iyada oo daawaynta laga bilaabay qolka labiska”

“Wakhti yar oo intan ka badan ayay qaadan doontaa qiimayn midan ka fiicani iyada oo la marin doono qalabka MRI, Laakiin uma muuqato dhaawac halis ah, Waa muhiim in la sugo wakhti intan ka badan si aan u agarno habka ay u saamaynayso”