Dhakhaatiirta Gacanta Ku Haysa Dhaawaca Eden Hazard Oo Ka Nixiyey Real Madrid Iyo Haddii Uu Ciyaari Karayo Kulamada Man City & Barcelona

Advertisements

Real Madrid waxay rajaynaysaa inay dib u hesho xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard kulanka ay habeen dambe la ciyaari doonto Celta Vigo, laakiin waxa uga muhiimsan ciyaaraha ka dambeeya ee Manchester City oo ay lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League usbuuca dambe ku ballansan yihiin Bernabeu iyo Barcelona oo March 1, ay isla Bernabeu ku wada ciyaari doonaan kulanka labaad ee xili ciyaareedkan ee LaLiga.

Advertisements

Hazard oo dib ugu soo laabtay tababarka kaddib markii uu kasoo kabtay dhaawac gaadhay November 26, xilli ay kooxdiisu la ciyaarayay PSG, ayaa war aan fiicnayn ay xaaladdiisa kasoo saareen dhakhaatiirta gacanta ku haysa dhaawaciisu, waxaanay xogtan la wadaageen tababare Zinedine Zidane si uu ugu xisaabtamo.

Hazard waxa uu doonayey in uu qayb ka noqdo ciyaartii ay kooxdiisu Osasuna kaga adkaatay 4-1, hase yeeshee warbixinta dhakhaatiirta oo Zidane gaadhay ayaa waxay sababtay in gebi ahaanba laga reebo liiska ciyaartoygii u safray Osasuna ee guusha lasoo laabtay.

Warbixintan waxay dhakhaatiirtu ku sheegeen in Hazard aanu si buuxda taam u ahayn, isla markaana kaliya lixdan boqolkiiba (60%) uu kasoo kabtay dhaawacii oo aanu jidh ahaan wali kusoo laabanin heerkiisii hore.

Wargeyska Marca, ayaa isaguna qoray in Zidane uu kusoo dari doono laacibka reer Belgium safka ciyaartoygiisa kulanka berri ee uu caawa shaacin doono, laakiin uu soo gelin doono 30-ka daqiiqadood ee ugu dambeeya, taas oo waliba ku xidhnaan doonta natiijada ay kooxdu xilligaas haysato.

Si kastaba ha ahaatee, Hazard waxa uu garoomada ka maqnaa muddo 80 maalmood ah, waxaanu u baahan yahay taxadar dheeraad ah si aanu dib ugu noqonin dhaawac cusub.

Advertisements