“Dhab Ahaantii Waxaan Ka Fikirayay Inaan Joojiyo Kubadda Cagta” – Xiddig Banaanka Keenay Jabkii Ay Marisay Kooxda Chelsea Kaddib Markii Ay SHAN Jeer Amaah Ku Dirtay.

Daafaca bidix ee kooxda Crystal Palace ee Patrick van Aanholt ayaa ka hadlay sidii ay kooxda Chelsea ugu qasbi gaadhay inuu gabi ahaanba ka hawl gabo dheelista kubadda cagta kaddib markii ay shan jeer oo kala duwan amaah ku direen lix sano gudahood.

Daafacan ree Holland ayaa sanadkii 2007 Blues kaga soo biiray dhinaca kooxda PSV, Marka laga yimaado inuu ahaa mid aad loo qiimeeyo waxa uu markiiba dhibane u noqday siyaasada caanka ah ee ay kooxda ree London amaahda ugu dirto guud ahaan da’yarta kooxdeeda.

Van Aanholt said his time at Chelsea left him considering quitting the game. AFP

Waxa shan jeer amaah loogu diray kooxaha Coventry ( oo ah koox uu ku sheegay inuusan abidkii maqal), Newcastle, Leicester, Wigan iyo Vitesse waxaana uu ugu dambayn si rasmi ah uga baxay Chelsea 2014 isaga oo heshiis rasmi ah ugu wareegay dhinaca Sunderland.

Van Aanholt oo ka hadlaya dhibaatadii soo martay ayaa yidhi “Waxaan dhab ahaantii ka fikirayay joojinta kubadda cagta, Waxaan ahaa mid aad u cadhaysan waxaanan doonayay inaan joojiyo”

“Waxaan fasax la baxay xaaskayga waxaanan idhi wakhtigaas ‘Maxaan samayn doonaa imika? Kooxina ima dooni doonto aniga sababtoo ah ma aanan ciyaarin hal sano”

“Waxaan u tababaran karayay shaqsiyan sidaa darteed waxaan heli karayay fursada aan u baahnaa, Maan samayn sidaas kaliya waan tababaranayay aniga oo aadayay guriga, Taasi waaxay kaliya ahayd wakhti lumin”

28 jirkan ayaa haatan u muuqda mid ku xasilay kooxda Crystal Palace waxaana uu boos joogto ah ka haystaa Roy Hodgson isagoo sidoo kale wicitaan ka hela xulkiisa.