Dele Alli Oo Noqday Xiddigii Ugu Horreeyay Ee Afkiisa Kal Fura Kadib Shaqo Ka Ceyrintii Mauricio Pochettino.

Dele Alli ayaa noqday ciyaariyahankii ugu horreeyay ee ka tirsan Spurs kana hadla shaqo ka ceyrintii Mauricio Pochettino, wuxuuna muujiyay sida uusan ugu faraxsaneyn go’aanka maamulka iyo sidoo kale inuu waayay mid ka mid ah macalimiintii uu wax badan ka bartay.

Pochettino wuxuu kooxda ugu bilaabay fasalkaan si liidata, kaalinta 14-aad ee horyaalka ayey ku sugan yahiin, iyagoo 11-dhibcood ka hooseeya kooxda kaalinta afaraad ee Manchester City.

Mourinho ayaa loo magacaabay shaqada tababaranimo ee Spurs, wuxuuna macalinkii hore Chelsea iyo Man United saxiixay heshiis uu ku joogayo waqooyiga London ilaa 2023.

“Ma siin karo mahad celin ku filan, wax badan ayuu i baray, kaliya waan uga mahad naqayaa wax walba oo uu i baray” ayuu soo qoray Dele Alli.

Advertisements

“Nasiib wacan ayaan kuu rajeynaa iyo inaan mar kale is aragno saaxiib” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba Mauricio Pochettino wuxuu kooxda ka qabtay shaqo wanaagsan, isagoo ka dhigan mid ka mid ah kooxaha mararka qaar looga cabsado hanashada horyaalka, balse nasiib xumo wuxuu ku fashilmay inuu koob u hogaamiyo.

Advertisements