Xidiga Kooxda Tottenham Ee Dele Alli Oo Ka Jawaab Celiyay Codsigii Lionel Messi Uu Dhawaan U Diray Saraakiisha Kooxda Barcelona.

Da’ayarka ree England iyo kooxda Tottenham Hotspur Dele Alli ayaa wuxuu ka hadlay, warbixino saacadihii lasoo dhaafay leysla dhax marayay ee ku aadan in Lionel Messi uu ku cadaadinayo saraakiisha kooxda Barcelona in xili ciyaareedka soo aadan ay gacanta ku dhigaan saxiixiisa.

Dele Alli ayaa la xidhiidhinayay inuu ku biirayo safka kooxda ree Spain ee Barcelona, kadib markii uu ku taliyay in sidaas lasameeyo laacibka ree Argatina Lionel Messi, wuxuuna xidiga ree England xaqiijiyay inuu si weyn ugu faraxsan yahay nolosha uu kaga sugan yahay kooxda Tottenham Hotspur, isla markaana uusan ku fikireyn xiligan inuu ka dhaqaaqo.

Xidiga kooxda Tottenham Hotspur ayaa wuxuu yidhi: “Aad baan ugu faraxsanay Tottenham Hotspur, igumana jirto niyad aan kaga bixi karo, dhamaantayada waxaan wada leenahay hal u jeedo, mana umaleenayo inay jirto meel igaaga wanaagsan halka aan horumarka wanaagsan kaga sameeyay tan iyo xiligii aan yaraa”.

Dele Alli oo ka hadlayay sidoo kale mustaqbalkiisa kooxda Tottenham ayaa wuxuu yidhi: “Tottenham waa koox wanaagsan, qof kastana wuxuu rajeynayaa inuu wax badan ka barto isla markaana uu guul la gaadho inta uu awoodo, lakiin kama hadli karno waxa dhici doona mustaqbalka”.

Laacibka ree England ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxaa muhim ii ah inaan ku riyaaqo xaalada aan kaga suganahay kooxda Tottenham inta ka harsan xirfadeyda ciyaareed, sababtoo ah waxaan doonayaa in kooxdan aan ka sameeya taariikh aad u wanaagsan”.

Comments

comments