RASMI: Xidig Liverpool Ka Tirsan Oo Arin Siyaasadeed Looga Saaray Liiska Uu Klopp U Magacaabay Kulanka Red Star Belgrade Ee Champions League.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in xidig kooxdiisa Reds ka mid ah uu ka saaray liiska ciyaartoydiisa kulanka Champions League ee ay Reds la ciyaari doonto kooxda Red Star Belgrade. Liverpool ayaa 4-0 ku xaaqday kooxda Red Star kulankii Anfield balse waxay imtixaan ku soo mari doontaa kulanka Serbia ay ku booqanayso Red Star Belgrade.

Xherdan Shaqiri ayaa gabi ahaanba laga saaray liiska ciyaartoyda kooxda Liverpool ee Serbia ku ciyaari doonta kulanka Champions League ee Red Star Belgrade iyada oo sababtu tahay arin siyaasadeed iyo colaad waqti dheer soo jirtay oo ka dhaxaysa Serbia iyo dalka uu  Xherdan Shaqiri asal ahaanta ka soo jeedo ee Albania.

Xherdan Shaqiri iyo Granit Xhaka oo ka tirsan xulka qaranka Switzerland balse dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Albania ayaa muran badan abuuray markii ay goolal ka dhaliyeen xulka qaranka Serbia ee ay ku dabaal degeen astaanka calanka ay asal ahaan ka soo jeedaan ee Albania.

Xherdan Shaqiri ayaa markaas ganaax lacageed kala kulmay FIFA waxaana lagu ganaaxay 10,000 kun oo lacagta Switzerland ah oo u dhigantay £7,632 kun oo gini laakiin Klopp ayaa cadeeyay in Shaqiri aanu kooxdiisa ula safri doonin Serbia halkaas oo laga cabsi qabo in ay dhibaato ka soo gaadhi karto.

Jurgen Klopp oo arinta Shaqiri ee Serbia ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxaanu aad u doonaynaa in aanu noqono kuwo ixtiraam badan isla markaana waxaanu doonaynaa in aanu ka fogaano qas kasta, sidaa daradeed, sababtaas awgeed, Shaq (Shaqiri) kuma lug lahaan doono, isna wuu qabalay wuuna fahmay tan”.

Klopp ayaa doonaya in ayna kooxdiisu ku lug lahaan wax siyaasad ah wuxuuna doortay in Shaqiri uu ka reebo liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka Red Star Belgrade.

Shaqiri ayaa ka soo jeeda dadka reer Albania ee ka yimid Kosovo oo ay dagaal lagu hoobtay wada galeen Serbia isla markaana ay ciidamada Nato sanadkii 1999 kii xoog ku kala dhex galeen, waxaana wali taagan colaadii ka dhalatay xasuuqii Serbia gaysatay.

 Nathaniel Clyne ayaa sidoo kale seegay liiska Liverpool ee Champions league iyada oo uu xanuunsanayo halka Jordan Henderson uu Melwood sii joogi doono si uu iskugu sii diyaariyo kulanka Fulham ee Premier league.

Naby Keita iyo Dejan Lovren ayaa sidoo kale ku soo baxay liiska uu Klopp magacaabay waxaana sidoo kale la filayaa in kulanan uu fursad fiican heli doono Daniel Sturridge waxaana sidoo kale liiskan ku jira origi iyo Solanke.

Liiska Ciyaartoyda Liverpool ee Kulanka Red Star: Fabinho, Van Dijk, Wijnaldum, Lovren, Milner, Keita, Firmino, Mane, Salah, Gomez, Alisson, Sturridge, Moreno, Lallana, Mignolet, Robertson, Origi, Solanke, Matip, Kelleher, Alexander-Arnold.