RASMI: Xidhiidhka Kubbada Cagta Aduunka Ee FIFA Oo Go’aan Rasmi Ah Ka Gaadhay Dacwadii Man City-Miyaa Suuqa Kala Iibsiga & UCL Laga Ganaaxay?

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa go’aan rasmi ah ka soo saaray dacwadii waqtiga dheer socotay ee baadhitaanka loogu sameeyay kooxda Manchester City. Kooxda City ayaa bilihii ugu danbeeyay u dhegtaagaysay go’aanka FIFA.

Waxaa baadhitaano badan lagu sameeyay kooxda Manchester City iyada oo lagu eedeeyay in ay jabisay sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha Yurub isla markaana ay sifo sharci daro ah kula soo saxiixatay ciyaartoy da’yar ah.

Waxaa hore loo sheegay in ay suurtogal tahay in Manchester City laga cidhibtiri karo tartanka Champions League balse hadda kooxda Guardiola ayaa heshay war u fiican oo aan sidaa u xumayn.

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa go’aan ku gaadhay in aanu Manchester City ka saarin tartanka UEFA Champions League laakiin waxaa lagu helay danbi ah in ay jabiyeen sharciga dhaqaale wanaaga Yurub iyaga oo sifo sharci daro ah u diwaan galiyay ciyaartoy ay da’doodu ka hoosaysay 18 sano jir.

Manchester City ayaa sidoo kale ka badabaday in ganaax culus oo dhinaca suuqa kala iibsiga ah laga saaro inkasta oo lagu helay danbi ah in ay jabiyeen qodobka 19 aad iyaga oo jabiyay diwaan galinta ciyaartoy da’yar ah.

FIFA ayaa ganaax lacageed oo dhan 370,000 Swiss francs  oo u dhiganta £315,000 gini waxay gadhka u galisay Manchester City laakiin waxay Sky Blues ka badbaaday arinta ugu cabsida badnayd ee ahayd in laga ganaaxa tartanka Champions League.

FIFA ayaa xaqiijisay in Manchester City ay aqbashay masuuliyada qaladka ay samaysay isla markaana ganaax lacageed lagu soo rogay balse ay meesha ka baxday cabsidii waynayd ee ay kooxda City ka qabtay in gabi ahaanba laga tuuro Champions League.

Guddida anshax marinta FIFA ee FIFA Disciplinary Committee ayaa go’aankooda si rasmi ah u soo saaray kadib muddo ay baadhitaan ku wadeen waxayna hadda maamulka Man City ka nasan doonaan walwalkii badnaa ee ay ka qabeen in ganaax laga saaro suuqa kala iibsiga iyo UEFA Champions League.

Chelsea ayaa dhawaan lagu helay in ay jabiyeen sharciga ciyaartoyda da’yarta ah balse nooca danbiyada lagu helay Chelsea ayaa ahaa kuwo ka badan isla markaana ka halis badnaa kan lacagta loogu ganaaxay Man City.

Si kastaba ha ahaatee, FIFA ayaa ganaax lacageed ku soo rogtay Man City halkii ay ka qabsi qabeen in ganaaxu noqon karayay mid intaas ka sii culus.